Rajadii Nolasha

0

“Aniga iyo xaaskayga waxaan ahayn markii hore kuwa farxad ku nool, oo saboolnimada iyo dhibta ka jirtay waddanka aan aad uga sii fakarin, balse, wax walba waxay is baddeleen, markii aan ku waynay qarax ubadkeennii oo ahaa wiil iyo gabar. Waan rejo dhignay.

Waxaana go’aansanay in aan isaga tagno waddanka oo dhan, balse, wax dhaqaalo ah maynaan heysan. Waxaan iibinnay wax walba oo aan heysannay. Waxaan nimid goobtii doonta aynu ka raaci lahayn lacagtiina waan bixinnay.

Mukhallaskii wuxuu doontii yareyd saaray wax ka badan 100 qof. Markii aan doonta aragnay, in badan oo naga mid ah waxay ku hammiyeen in ay iska laabtaan. Balse, wuxuu noo sheeggay qofkii laabta in lacagtiisu aysan celis ahayn.

Ma aynaan heysan doorasho kale, in aan raacno mooyee. Mowjado biyo ah oo xooggan ayaa billaabay doontii inay hoos u riixaan, Naaquudihii ayaa nagu yiri;- “Wixii alaab ah oo aad sidataan badda ku tuura”, waana ku tuurnay.

Biyo ayaa billowday in ay doontii soo galaan, laakiin, naaquudihii ayaa nagu yiri ha welwelinnina, hase yeeshee, biyihii doonta soo galayay, marba marka ka dambaysa waa ay soo badanayeen, illaa markii dambe ay doontiiba nala quustay. Waxay noqotay qof walbow naftaada badbaadso.

Xaaskaygu dabaasha ma aysan aqoon, oo markii doonta ay quusaysey gacmaha ahaan is haysannay. Anigu dabaasha ayaan aqaannay, balse, iyadu ma aysan aqoon.

Habeen iyo maalin ayaa sidaas noogu dhammaaday, ayada oo garabkayga saaran. Waan daalay, tabartiina way iga dhammaatay, iyaduna waxay i leedahay in aad badbaaddo ayaa laga yaabaaye, haddana kaligaa sii dabaalo oo iska kay daa, yaanan isku dul dhimane, balse, waan ka diidday.

Waxay isku dayaysay in ay isii dayso, si aan u badbaado, balse, Alle mahaddiis, waxaa naga soo gaaray markab Talyaaniya, waxaana noqonnay labadii qof ee ugu dambaysay ee ka badbaadda doontii aan la soconnay, ka dib markii aan in badan dabaalaneynay.

W/Q: Haaruun Axmed Cabdulle