Raha iyo ariga oo laga mamnuucay diyaaradaha American Airlines

Duulimaadyada shirkadda American Airlines ayaa laga mamnuuci doonaa in la saaro raha, ariga iyo kashiitada laga billaabo kawda bisha Luulyo xataa haddii ay yihiin kuwo la soo daweeyay.

Shirkadda ayaa shuruucdan cusub soo bandhigtay Talaadadii ka dib markii ay bateen dadka diyaaradaha la raacaya xayawaanka iyaga oo adeegsanaya waxa loogu yeero ilaalinta dareenka xayawaanka.

Liiskan cusub ee ay soo saartay shirkaddu waxaa kale oo weheliya in diyaaraduhu ay dadka xayawaanka wata waydiin doonto waraaq uu dhakhtar soo qoray.

Xayawaankaas ayaa laga mamnuuci doonaa in diyaaraha lala raaco, balse waxaa laga soo reebay farasyada aadka u yaryar

“Waxaan taageersannnahay xuquuqda macaamiisha sida dadka horay uga soo mid noqday milatariga iyo kuwa naafada ah ee sifo sharci ah ugu baahan caawimaad ay ka helaan xayawaanno tababaran,” ayay tiri shirkadda American Airlines.

“Nasiib darrose, xayawaannada aan la tababarin waxay la imaan karaan arrimo dhanka ammaanka ah oo soo wajaha shaqaalaha naga, macaamiishanada iyo eyda ka hawlgasha diyaaradahanaga.

Horraantii bishan shirkadaha diyaaradaha ee Delta iyo United ayaa sameeyay tallaabo middaas la mid ah.

Dadka ayaa baraha bulshada aad isugula wadaagay sawir laga qaaday qof rakaab ah oo damcay in uu diyaarad la raaco daa’uus dhextaagan garoonka diyaaradaha ee New Jersey.

Shirkadda AA ayaa sidoo kale dhaqan galin doonta xeerka haddaba jira ee ah in xayawaannada lagu sii wargaliyo 48 saac ka hor.

ISHA: BBC

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments