Qofkasta wuxuu leeyahay sheeko ugaar ah haddii la dhageysto

Waxaan hortaagnaa masaajidka Jaamiya Mosque ee magaalada Nairobi, Wargeys ka mida kuwa kasoo baxa dalka Kenya ayaan markaas qof ka qaaday. Nin agteyda taagnaa ayaa isha lasoo raacay wargeyskii, wuxuu isha ku dhiftay su’aal far waaweyn ku qornayd oo ahayd “Majirtaa Sheeko kugu dhacday oo aadan cidna la wadaagin?

Waxyar ayuu dhoolla caddeeyey, isagoo ii raaciyey “May inaga na weydiiyaan” markaas ayaan ku iri aan anigu kuweydiiye, majirtaa sheeko kugu dhacday oo aadan ilaa hadda qofna la wadaagin?

Wuxuu yiri anigoo yar ayaa la ii geeyey dalka Canada, isla yaraanteydiiba waxaan raacay Gangis, oo waxaan kala guurnay ehelkeygii, laakin waxbarashada kama harin. Jaamacad ayaan dhammeeyey, Bank ayaan ka shaqo billaabay, muddoo markaan ka shaqeynayey waxaan aaday Japan aniga iyo nin Canadiyan ah. Japan Bank ku yaal ayaan ka shaqo billownay markale, waxaan ku heshiinnay inaan Bankiga lacag ka dhacno, laakin si farsameysan oo aan Bankigu na fahmeyn, 5milyan ayaan dhacnay, oo mashruuc Bankigu iibinayey iyo dadkii laga iibinayey ayaan lacagta ka dhex farsameynay, kadibna si aan naloo fahmin waxaan ubaahanay inaan lacagta dhaqno (Money laundering). Maandaaba aan ahayn niman shaqaale ah oo layaqaan majirto sabab aan lacag intaas la eg u haysan karnay, sidaas darteed lacagta waa inaan Business macquul ah galinaa, kadibna Business kaas kasoo caddeynaa.

Lacagtii waxaan galinay meel lagu tunto (Night club), waxaana ku qornay oo aan lacagta u dhiibnay nin dalka u dhashay inta aynaan shaqada ka tagin, si uu howsha usii wado, tankalena qasab ayey ahayd in la helo qof dalka u dhashay si Ganacsi looga sameeyo, share-na waan u ogolaanay, meesha ugu sarreysa dalka meel lagu tunto ayey ahayd, laba dabaq oo dhulka hoostiisa ah ayaan dhisnay, VIP card ayaa lagu soo galayey, dumarka ka ciyaara waxaan ka keeni jirnay Brazil, Mexico iyo Ethopia asbuuc kastana waan celin jirnay, madaxda siyaasadda, ganacsiga iyo caafimadka u yimaada Japan meeshaas ayey u tumasho iman jireen, weyna ku nafisi jireen.

Muddo ayaan ku jirnay ganacsigaas, Markii ay billaabatay lacagtii iney soo caddaato, ninkii ayaa nagu inkiray share keenii, wuxuuna noogu caga jugleeyey inuu na xiri doono, nana ceebeyn doono, waan isaga tagnay, isagiina markii dambe islaantiisa ayaa dhacday. Canada ayaan ku laabtay, ehelkeygii oo qaar guuray, qaar dhintay, qaarna Africa iyo Soomaaliya ku laabtay ayaan ka war helay, haddana Tukaan telfoonada lagu iibiyo ayaan masaajidka gadaashiisa ku leeyahay, sababta aan adiga sheekadaan kuula wadaagayo waxaan ogahay inaan wax aqoon ah inaga dhexeyn, Soomaalidu dadka ay ogyihiin qisooyin kooda mar waaku digtaan ee waxkama bartaan, marna way ku caayaan oo sheekoyinkooda ayey u isticmaalan, adigana waan rajeynayaa inaadan i dhihi doonin maxaad masaajidka kasoo doontay, haddaad Club dumar ku iibin jirtay.

W/Q: Maxamed Royal

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments