Qiso jaceyl oo Naxdin iyo Farxad isugu jirtay

0

Nairobi (SK)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran dagalka Soomaalikabe, waxaa u soo gudbineynaa sheeko jaceyl oo marna farxad xambaarsan marna murugo.

Sheekada waxaa ay ku billaabaneysaa siddan :

Anigoo fadhiya ardaaga Baar Togdheer agagaarka Masjidka Al Hidaaya, Jaam Street Nairobi.

ayaa waxeey indhahaygu qabteen gabar dhuuban oo misna socodka dadajinaysa sidii qof shaqo ka daahay oo kale, Waxaana garbaheeda ka lushanayay dhawr boorso sidii ardayad dhawr jaamacadood shahaado ka qaadatay oo kale.

Dhowr tallaabo kadib ayey dib ii soo milicsatay iyadoo iigu wacaysa magacayga oo saddexan Ismail Ali Abdi, Mise aragtida waa gabar aan afar iyo toban sano ka hor isku fasal ahayn.

Hay muuqaalku waa Amran Faarax, laakiin isuma qalmaan da’da” xilligaan ay jiri karto Amran iyo muuqaalka ay ila horjoogto, ugu yaraan waxey ii aheyd Hooyo caruurteedu koreen.

Haddase Waa 17 jir aysan ka muuqan daalkii dheeraa ee dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, yaa malayn kara?
Quruxda Rabbaaniga ah iyo xayaatada aan fikir iyo walaac arag ee heshay nolosha dabacsan ee raaxada leh’
Qurux intee la eg ayey ii soo gudbinayaan suniyaha sadarkooda ku jooga, Dibnaheeda Culayga waxaan qalbiga ka dhahaayay Maasha Allah.

Intaan la ashqaraarsanaa falka taagan ayey iyadoo dhoola caddeeneysa gacanna ii soo taageysa si ay ii marxabaysiiso igu tiri alla Taxtow maxaad duqowday horta yaanan fududaanine ma i garan kartaa?

Intaanan su’aashii ka jawaabin ayay hadalkeeda is raacsatay sidii qof hadal loo diidan yahay oo kale.

Waxaan ahay Amran Faarax waxaa isugu keen dambeysay 14 sano ka hor, Waxaan deggenahay Huawei USA Hal todobaad ka hor ayaan ka imid Soomaaliya, Alla maxaan ku Raadiyay, mudo bil ah oo xamar Joogay jid aan kaa dayin ma jirto, waan ka xumahay anigoi rajo xun ayaan ka soo tagay Kalgacalka aan kuu qabo waa mid ii diiday inaan damaaciyo ina raggeed.

Wali anigoo yaaban waxaan sheegana garan la’ ayaa gabar kale oo meel ay ka timid aanan aqoon ayaa inteey na soo garab istaagtay nagu tiri. jacayl jacayl dhaafay baa yimid. Sidii la isu jeclaan jiray jacayl ka weyn baa yimid, Ninkaad Amraney nagu waashay oo mudddada dheer aad nooga sheekeyn jirtay maanta ayaad is haysaan.

Sidii labo xariif oo tuugo ah oo Isu camiraya ayey labadooda hadalka isagu jiibinayeen anna wexey iila muuqatay sheeko qayaali ah iyo cayaaryaar, lkn Mar waan farxaa waa magac iyo muuqaal iswata oo aan marnaba qalbigayga ka go’in, Marna waan ka gil gishaa oo aan is iraahdaa ma la isku ciyaarayaa !! wallee Amran meesha ma joogto ee tolloow ma gabar ay dhashaa?!

Intaan su’aalahaas qalbiga iska weydiinayay ayey la soo booday waxaa qalbigayga ka go’i waayay warqaddii aad ii soo qortay 15 sano ka hor. Boorsadii garabkeeda surnayd ayey ka soo bixisay waraaq duug ah balse xafidaadi, ka muuqatay. Gacanteey ii galisay mise waa farteydii oo aan aqaan! anoo ku raad jooga hubinta shaqsiyadeeda ayaan ku iri ma xasuusataa goobtaan kuugu dhiibay.

Wexey i tiri Haa waxay ahayd habeen aan hor fadhinay jardiinkii guriga Xaawo Ciise Jaamac Bakaaraha Wax yar ka dibna waxaa noo yimid saaxiibkaa Maxamed Deeq Xaadir oo aanan geeri ku maqlin. oo kaalay xaggee ku danbeeyay saaxiibkaana?

Inta aan u Jawaabin Ayeey isla hadalkiiba daftay su’aalna sii raacisay oo kaalay horta ma Guursatay oo ma guursatay ma guursatay?

Xaasle Sadax caruur ah heysto ayaan ahay oo Xamar deggan maasha Allah eraygaasi intaan afka ka bixin, ayaa waxaa soo booday Gabadhii ay wada socdeyn Amran iyadoo kor u qeylineysa mise caro muujineysa ku hadleyso Af Qalaad, “what the hell are you saying”..

Hadaladii Amran sxbteed waxaan ka xasuustaa intii Afsoomaliga aheyd, Nin miyaa la aaminaa, waa oo kale qofkii aad mustaqbalkaga u lumisay 15 sano waa kanaa waa shaqsi raaxo iyo nolol kale ku jira waligaa ha aamin noole noloashadana ha ku xiran, shaqsi beri dhiman kara is badali kara walaahi walaahi.

Wali kurigii ayaan ku fadhiyaa labada gabdhood meel garbaheyga la siman ayeey taagan yihiin, il qoorka ayaan waxaan ka fiiriyay Amran mise waxaa ka muuqda walwal iyo naxdin aamusnaan sida qof ku maqan dareenkeedu meel kale oo maahsan.

Waxaan bilaabay in aan aqriyo warqadii aan qoray si aan bal wax badan isu xasuusiyo, maadama hadal kale oo aan dhaho garan karin, misne waxaa ku qoran hadalo mac macaan dhabtii qaar badan aniga waan ilaabay, lkn maanta marqaati uma baahna axdigii aan ka qaaday Amran, noloshu dhadhan ma lahan hadaan qoys la noqon waxaan ku dhaaranayaa in aan naag kale guursan doonin hadaan ku waayo naf baaqi nolosha kali ku ah ayaan ahaan doonaa, iyo erayo kale oo kalsooni muujinaayo ayaa ku qoran.

Intaan aqrinayay warqadda dhabanadeyda waxaa ka daadanayay ilmo kulul kor ayaan milicsaday hadal iyo oohin wada socda. Ayaa dhagahayga soo gaaray , waxaad xaday qalbigayga xilli hore ,waxaana kaligeey ilaalo ka hayay ubaxii jacaylkeena iyo xiriirkii wacadkeena ! Waadse i qayaantay. Waxaan kugu lumiyay waqti farabadan nasiib dardaro. ..!

Waxaad tahay qaa’in aan wacad waxba ka aqoonin. Oohintii ayaa cirka isku sii shareertay jabaqda hadalkuna waa ka sii tan batay intii hore.

Dhab ahaan qofka ka hadlaya dushayda ma sawiri karo dareenkisa iyo sida uu yahay lkn wexey u muuqatay qof aan ka war heyn xlada ay ku sugan tahay Cod aad u malayso in loo adeegsanayo sameecado ama cod baahiye ayaa meeshii hore meel ka sii dheer jihadii horana ka badalan wexey igu tiri ereyadaan.

Anigaa hoogay, oo ba’ay Aaway wacadkii dhexdeena? Maxaad ii qayaantay? haddaadan ka dhabayneynin wacad beenaadkii aad ila gashay waad i qayaantay hadaladan aan maqlayo iyo erayo kale oo kulul, Waxaan damcay inaan aado xageeda, anigoo hadalka in aan dejiyo rabo, lkn ma dhicin hadal kore u qaadan lkn in qalbiga ka imaan ayeey igu tiri, wajigaaga iga qari, sxbteed ayaaan is iri ku qanci in gabadha dareenkeda dajiso, lkn xaalku sidaasi ma noqon Kenya qof degaan ah kuma ihi, maalmo kooban, ayaan shaqo ugu imid, mana degani xaafada hadda aan wada joogno, Islii, Waaan iska soo tagay, dhowr talaabo ka dib cod ayaan maqlay, waan istaagay, masjidka Hidaaya dhanka midig, misne waa Amran ayaa geesta kale ee wadada iiga muuqata,Hadal jilicsan oo ka duwan midkii aan ku soo kala tagnay ayaa waxey igu tiri, xagee hadda u socotaa iga raali noqo horta xagee ka degan tahay Nairobi?

Chester house hotel, down town qorax ka soo bax kaga aadan, Masjidka kenya ugu weyn Jamia Mosque, lkn maalin qura ayaa ka hartay noqoshadeyda, Mogadishu, waqti dheeraad ahna ma qaadan karo, shaqooyin culus darteed, Kulanka chester House Amran iyo aniga, kula tagnay Iyo qisada Amran shan iyo toban sano ka hor kee idiin soo hormariyaa?

Si aad u hubsato, qofka wax qayaanay ama balanta ka baxay in aan aniga ahay iyo in Amran tahay…….

W/:Ismaacil Cabdi Taxta