QAYLA DHAAN: Waa ayo dadka ‘AF-SOOMAALIGA’ ku hadla?

0
Weriye Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Dalka Soomaaliya oo tan iyo burburkii kusoo baxay dal bilaa walaal, bilaa saaxiib ah ayay taasi keentay inay dunidu nagu nacayso erayga dal fashilmay ( A failed state) oo taxa ama liiska lasoo saaro aan sanadkiiba safka hore ka cariirsanno balse mida calool xumada lihi intaa oo dhan maahee waa dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo aan nasteex caalami ah lahayn iyagii is necbaystay.

Waxaan doonayaa inaan maqaalkan ku yara eego arin aan kolleey anigu aad u karhay oo kusoo noqnoqata warbaahinta Soomaalida iyo maxfallada la iskugu yimaaddo oo ah ‘’Inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’ Dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ IWM.

Su’aasha maankayga wareerisay ayaa waxay noqotay ‘’Yay yihiin dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee haatan soo baxay?’’ Maxayse tahay ujeedka laga leeyahay in la adeegsado tibixdan cusub? ”Yaa hindisay oraahdan?” Maxay u dhimi kartaa ama u tari kartaa Soomaalinimada?’’ Maxayse usoo kordhin kartaa kan u ololeynaya inuu arintan hirgelsho?’’ IWM.

Horta su’aalahaasi hawada ayay ku callaqnaanayaan oo waqtiga ayaa ka jawaabi doonee aan woxoogaa iftiimino dhanka naxwaha waloow aanan maahir ku ahayn oo ay badan yihiin dad iga badiya oo aan raalligelinayo hadii aan wax khaldo.

Muxuu yahay horta farqiga u dhexeeya 1) Soomaali, 2) Soomaaliya iyo 3) Soomaaliyeed? Hadii aan ku bilaabo kan hore Soomaali waa qof kasta oo ku abtirsada abnaqa Soomaaliyeed (Soomaalida waa qoowmiyad qura) waana eray magac ah (noun) waxaana loo adeegsan karaa wax kasta oo Soomaali la xiriira, Soomaali ah, ama ay Soomaaliyi leedahay, tusaale ahaan ’’Nin Soomaali ah, gabar Soomaali ah, waxaan ahay Soomaali’’ IWM. Magacani maaha mid la macmalay ee waa mid muddo soo jiray.

FIIRO GAAR AH: Magacan ’’Soomaali’’ u gaar maaha dad gobol gaar ah degan marka ay timaaddo shanta Soomaalida loo qaybshay iyo 15-ka lagusii dhuftay haatan (5 x 15 = waa 75-ta aan nahay), lkn wuxuu u taagan yahay qof kasta oo Soomaali ah meelkasta oo uu ku dhaqan yahay min Jabuuti ilaa Gaarisa, min Jigjiga ilaa Xamar Jajab. Soomaalidu waxay la mid tahay Oromada, Canfarta, Tigreega, Amxaarada IWM oo waa qabiil qura meeshii ay doontaba ha joogtee.

Midka labaad ee ’’Soomaaliya’’ waa magac u taagan jamhuuriyad Soomaaliya la yiraahdo oo leh degaan, dad, calan iyo diin la yaqaano waana magac (Noun) ah loo qaato dalkaasi iyo intii xukunkiisa hoos timaadda.

Mida sedexaad wuxuu noqonayaa ’’Soomaaliyeed’’ oo ah tilmaan (Adjective) isna maadaama uu sife yahay wuxuu isna metelayaa qof kasta oo Soomaali ku abtirsada adigu ama calan kale lahoow ama dal kale iska yeel yeel dalnimadaadu kuma burayso inaad iskugu yeerto ’’Qof Soomaaliyeed’’.

Hadii aan sii iftiimiyo umadaha Carabta oo anaga marka naloo eego aad iyo aad nooga badan dad ahaan, degaan ahaanna nooga ballaaran ma adeegsadaan eraygan aan fahmi la’nahay oo kale oo ma yiraahdaan ’’Dadka Af-Carabiga ku hadla’’ .

Tusaale ahaan hadii uu Sucuudigu tilmaamayo dal kale oo Carab ah wuxuu yiraahdaa ’’Jamhuuriyadda fulaan ee ’Carbeed’ ee aanu dhiiga ku walaalownay’’ muxuu u dhihi waayay dalkaas Carabiga ku hadla sababtu waxay tahay hadii sidaa la yiraahdo waxaa sii kala fogaanaya Carabtii oo waxaa soo baxaysa inaysan jirin wax ’’CARABNIMO’’ la yiraahdo balse ay dadka luuqaddu isu keentay sida Senegal iyo Faransiiska tusaale ahaan.

Xisaabtana ku darso waxaa jirta Carab la Carabeeyay laakiin maba jiraan intaan ogahay dad la Soomaaliyeeyay ama degello intay Soomaaliyi qabsatay sidaa luuqadeenna ku qaatay, midna haku khaldamin Soomaalidu lahjado badan bay leedahay laakiin kala af maaha, waxaa jira Af-Soomaali iyo lahjado ka tafiirmay, tusaale ahaan ilama saxna in la yiraahdo Soomaaligu wuxuu u kala baxaa ’Maay iyo maxaad tiri’’ maadaama uu Maaygu afguri yahay ee uusan luuqad gaar ah ahayn taa ka hadalkeeda aan u daayo maalin kale oo uu roob da’ayo.

Waxaan idin siinayaa tusaale kale, dadka ay inkaartu ka qabsatay qaabka loo maareeyay caalamkan cadaalad darrada u abaabulan waxaa ka mid ah dalka Kuuriya oo markii ay midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanku ka qabsadeen boqortooyadii Japan oo dagaalkii 2-aad ku jabtay iyagoo si danohooda waafaqsan u qaybiyeen 2 qaybood iyagoo tixraac ka dhigta 38-aad (38th parallel) oo ay xuduud beenaad uga dhigeen dad walaalo ah oo kala qaybiyeen.

Ilaa maantadan la joogo Kuuriya waa laba dal oo looga dhaqmo labada hannaan ee hanti-wadaagga iyo hanti-goosiga balse waa dad isku mid ah sidaa daraadeed qofku waa Kuuriyaan ama koofur ha joogo ama woqooyiye (Ogoow eray ’’Kuuriyaan’’ wuxuu la mid yahay ’’Soomaaliyeed’’) mana isu adeegsadaan ’’Dadka Kuuriyaanka ku hadla’’ waanad ogtahay in Kuuriyi ay maanta laba dal ka kooban tahay.

Dadkayga waxaa lagu xantaa inaysan aqriska badan jeclayn sidaa darteed yaanan badinin hadalkee, waxaan soo jeedin lahaa in laga digtoonaado adeegsiga eraygan, weliba inta badan Soomaalidu waxay eedaysaa webabka oo ay ku tilmaamaan kuwa wax kasta qora, laakiin eraygan madasha ugu wayn ee laga maqlaa waa hillinada ama kanaallada Soomaaliyeede ha iska daayeen maadaama aysan wax dan ihi ugu jirin umad kala irdhoowday in loo adeegsado ’Eray bixin ibtilaysan’’ oo gumeysi u dood ah.

Waxaan sidoo kale eraygaa ka waaninayaa dadka bulshada ka dhex muuqda sida weriyayaasha, fanaaniinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo cid kasta oo kale oo meelaha la iskugu yimaado ka tiraahda: ’’Waxaan salaamayaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla’’ ama ’Waxaan u dhexeeyaa inta Af-Soomaaliga ku hadasha’’. Waa cajiib maxaad u dhaxaysaa waabad qaybinaysaaye.?!

Waxaan qabaa majiraan ’Dad Af-Soomaali ku hadla’ ee waxaa jira ’Dad Soomaaliyeed’ oo ay ka dhexeeyaan wax ka badan luuqade yaan la fududaanin oon la faafifin wax hadhoow keeni kara fashil kama dambeeysa ah.

Wabillaahi Toowfiiq..

W/Q: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin