Qaahira xaley waxaa taageero loo ahaa kaliya Maxamed Saalax

Cairo (SK)- Boqolaal qof oo u dhashay dalka Masar ayaa waxa ay habeenkii xaley isugu yimaadeen maqaayad laga shaaxo si ay u daawadaan cayaartii naadiga Liverpool ay la yeelatay kooxda Talyaaniga ee Roma oo ka tirsaneed tartanka kubadda cagta ee qaaradda Yurub ee Champions League.

Badi dadkan ma ahan taageerayaasha naadiga Reds waa kaliya kuwa u taageersan xiddiga reer Masar Maxamed Saalax.

“Ma ahayn taageerayaasha Liverpool, balse waxaa noqday markii uu ku soo biiray Maxamed Saalax, waxaa ka mid ahaa taageerayaasha kooxaha FC Basel, Chelsea iyo Roma uu uu soo cayaaray Saalax” ayuu yiri nin ka mid ahaa dadkii xaley joogay maqaayadda lagu taageerayey Maxamed Saalax.

Nin kale ayaa yiri “ Saalax waa xiddig edeb leh oo aan aad u qadariyo, waxaa u rajeenayaa in uu noqdo xiddiga ugu wanaagsan dunidda, dhammaan dadka Suudaan waa ay jecel yihiin Maxamed Saalax” ayuu yiri nin u dhashay dalka Suudaan.

Nin kale ayaa isna yiri “Waxaa halkan u imid in aan daawado Saalax, horyaalka Ingiriiska aad baa loo yaqaan, balse Saalax horyaalka Primer Liege qiimo cusub ayuu u yeelay waayo indhaha reer Masar waxa ay ku jeedaan horyaalka, qof walba oo halkan jooga wuxuu taageero u yahay Saalax” ayuu yiri.

Si kastaba, Liverpool ayaa isku celcelisay ku badisay 7-6 labadii kulan ee semi-finalka la cayaartay kooxda Roma, waxaana Fiinaalka ay foodda isdari doonaan kooxda Real Madrid oo 13 jeer ku guuleysatay koobkan.

Labada koox ayaa 26-ka bishan ku cayaari doona magaalada Kiev, ee xarrunta dalka Ukraine, iyadoo Real Madrid ayaa timid fiinaalka 16-jeer halka markii saddexaad oo isku xiga ay timid fiinaalka Champions League.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments