Puntland iyo Somaliland oo guulo ka kala sheegtay dagaalka Tukaraq

0

Hargeysa (SK)- Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal xooggan oo saaka halkaasi ku dhexmaray ciidamada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Labada dhinac ayaa kala sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka, waxaana hawada ka maqan isgaarsiinta deegaankaasi.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabadda 18-ka May oo waqtigeeda laga soo hormariyay Ramadhaanka awgii, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah inay ka dambeyso dagaalka Tuka-raq.

“Waxaan qaranka Somaliland u sheegayaa in ciidammadu ay guul la taaban karo ka gaareen dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray, oo ay waliba jabiyeen hubna ka futeen ciidankii”. ayuu yiri Muuse Biixi.

Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammadooda la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

ISHA: BBC