Philippe Coutinho: “Waa arrin wanaagsan haddii Neymar uu soo baanayo”

0

Madrid (SK)-Philippe Coutinho ayaa ka hadlay wararka sheegaya in saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin ee Neymar uu ku dib ugu soo laabanayo garoonka Camp Nou ee kooxda FC Barcelona.

Neymar oo ku biiray Paris Saint-Germain bilowgii xilli ciyaareedkan, ayaa lagu soo warramayaa inuusan ku faraxsaneyn nolosha caasimadda Faransiiska ee Paris, waxaana jira warar sheegaya inuu ku laabto dalka Spain iyo horyaalka La Liga.

“Neymar noloshiisa waa Paris, laakiin waxaan dareemayaa dareen lamid ah kan Rakitic,” Coutinho ayaa sidaasi u sheegay wargeyska La Marca ee ka soo baxa dalka Spain.

“Waa ciyaaryahan weyn oo aan kawada ciyaarnay heer caalami, waa wax weyn hadii uu kusoo laabanayo halkaan, dabcan waxaan u furi lahaaa albaabka”. ayuu markale yiri.

Labadan cayaartoy ee reer Brazil ayaa ah saaxibbo isku dhow.

Neymar ayaa u wareegay Paris Saint-Germain xagaagii la soo dhaafay, halka Coutinho oo ka yimid Liverpool uu tagay Barcelona dhowr bilood kadib.

Kaddib markii PSG’ laga reevay horyaalka Yurub UEFA Champions League, Neymar ayaa lala xiriirinayey in u dib ugu laabto Camp Nou.

Si kastaba, Neymar ayaa xilli ciyaaredkiisa ugu horreyaya kooxda PSG ku soo bandhigay qaab ciyaareed wanagsan isagoo dhaliyay 29 gool 30 kulan oo uu u saftay kooxdiisa

_SOMALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com