Pep Guardiola: “Yaya Toure waa beenaale”

0

London (SK)- Macallinka kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa ku tilmaamay Yaya Toure nin beenaale ah isla markaana eed uusan lahayn oo ah isir takoo ah iyo cayaartoyga Afrikanka ah neceb yahay uu u xambaariyey.

Guardiola oo wereysi siiyey Telefishan ayaa eeddas tahay been oo Toure qudhiisu uu ogyahay inuu been sheegayo.

“Labo sanno ayaanu joognay markaasu iminka waxaas sheegayaa waligeey annagoo is hor taagan arrinkaas iguuma caddeyn oo horteyda kama aanu sheegin” ayuu u sheegay TV3.

Xiddigii horre ee qadka Blues ayaa ku eedeeyay Pep Guardiola inuu dhibaabto ku hayo cayaartoyga Afrikanka ah.
Cayaartoyga u dhashay dalka Ivory Cost ayaa ka tagay City bishii May kaddib markii uu sideed sanno la joogay.

Toure, ayaa hadda xulkiisa Ivory Coast u cayaaraya tartanka koobka adduunka ee ka dhcaya Ruushka.

Toure ayaa ka soo hoos cayaaray macallin Guardiola xilligii uu joogay Barcelona labo xilli illaa inta laga iibiyey City sannadkii 2010 waxaa lagu iibiyey £24m.

Xagaagan kooxda City waxa ay la soo wareegtay xiddig ku dhasha dalka Faraniiska balse heesta dhalashada dalk Algeria waa Riyad Mahrez oo ka yimid Leicester City.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com