Özil oo lagu heysto sawir uu la galay madaxweyne Erdogan

0

Ururka maamula kubbadda cagta ee Jarmalka ee loo soo gaabiyo (DFB) ayaa cambareeyay in ciyaaryahanadood heer caalami ee lagu kala magacaabo Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan in ay baraha bulshada soo dhigeen iyaga la sawiran madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Labadani ciyaaryahan ee u dhashay dalka Jarmalka islamarkana asal ahaan ka soo jeeda Turkiga , ayaa waxa ay siiyeen Mr Erdogan funaanad ay saxiixeen ka dib markii ay Axaddii kula kulmeen London.

Ciyaaryahanka Gündogan ayaa soo qoray: “madaxwaynaheeyga sharafta leh ee aan xushmadda wayn u hayo.”

Mr Erdogan ayaa u ololeynaya in dib mar kale loogu doorto madaxwaynanimada.

Ciyaaryahanka Özil ayaa u dheela kooxda Arsenal halka ciyaaryahanka Gündogan uu u ciyaaro Manchester City.

Labada ciyaaryahan ayaa isu diyaarinaya in ay ka qayb galan ciyaaraha tartanka koobka kubadda cagta aduunka oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Ruushka.

Jarmalka oo ay u dheeli doonaan ayaa ah mid ka mid ah kooxaha ugu adag tartanka.

Turkiga ayaan u soo gudbin tartanka koobka kubadda cagta aduunka ee sanadkan lagu qabanayo dalka Jarmalka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Jarmalka ayaa sidoo kale cambaareeyay falka ciyaaryahanadan, waxa ayna su’aal galiyeen sida ay daacad ugu yihiin mabaa’dida dimuqraadiyadda Jarmalka.

Madaxa Ururka maamula kubbadda cagta ee Jarmalka ee loo soo gaabiyo (DFB) Reinhard Grindel ayaa yiri: “Kubbadda cagta iyo kooxda DFB waxa ay difaacayaan mabaa’dida taasi oo uusan xushmo u hayn Mr Erdogan.
“Waana taa sababta aysan u wanaagsanayn in ciyaaryahanadeena heer caalami aysan galaagal ugu yeelan ololaha doorashada .” ayuu intaa ku daray.

Waa saddexda ciyaaryahan ee asalkoodu yahay Turkiga oo la sawiran madaxwayne Erdogan

Markii uu dhalinyarada ahaa ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin 1990, Mr Erdogan waxa uu ciyaari jiray kubadda cagta isaga oo u dheeli jiray kooxda lagu magacaabo Kasimpasa oo ka dhisnayd Istanbul.

Mr Erdogan, ayaa awoodda dalkaasi hayyay muddo 15 sano ah , waxa uuna imika u tartamayaa in dib loo soo doorto doorashada waqtigeeda laga soo hormariyay taasi oo dhacaysa 24 June.

Xisbigiisa AK ayaa lagu eedeeyay in uu awood ku muquuniyay mucaaradka ka soo horjeeda gaar ahaan tan iyo intii uu dalkaasi ka dhacay afgembigii dhicisoobay bishii July 2016.

Booliiska dalka Turkiga ayaa xiray in ka badan 50,000 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka Turkiga u dhashay Fethullah Gulen oo ku nool dalka Mareykanka.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, saxafiyiin ,qareenno, macllimiin iyo shaqaale dowladeed.

ISHA: BBC