Nin calooshiisa laga soo saaray buraashka Ilkaha

Mombasa (SK)- Waxa ay ahayd farxad iyo gargaar la sameeyey, kaddib markii dhakhaatiirta ku sugan Isbitaalka guud ee magaalo xeebeedka Mombasa ee Kenya Jimcihii ay ku guuleysteen in ay ka soo saaraan buraashka ilkaha gudaha jirka nin ka mid ah dadka magaalada.

David Charo, waxa uu ka yimid deeganka Kilifi oo ka tirsan dalka Kenya, waxa uu codsaday in la badbaadiyo maadama calooshiisa uu ku jiro buraashka ilkaha.

Dhakhaatiirta ayaa qaliin ku sameeyay si buraashka looga saaro calooshiisa.

Waa 34 jir waxa uu ballan qaaday in haddii laga soo saaro uu muujinayo taxadar marka uu rumeysanayo.
Waa aabbe leh labo carruur ah, waxa uu sheegay in buraashka uu gudaha ugu cararay jirkiisa illaa inta uu ka dhammaanayo.

“Ma hadleynin oo ma cayaareynin marka uu shilkan dhacayey, waxaa isku diyaarinayey in aan quraacdo si aan u aado safar Mombasa, markii aan billaabay in aan buraashka ku cadaydo ayaa waxaa igu cararay buraashkii kaaoso gudaha u galay caloosheeda” ayuu yiri kaddib markii qaliinka lagu sameeyay.

Buraash laga saaray caloosha Nin la qay

Qoyska Charo, ayaa horrey uga walwalsanaa Khatarta uu ku jiro maadama uu cini kari waayey raashinka hales yeeshee tan iyo markii qaliinka lagu sameeyay waxa ay sheegeen in dareemayo caafimaad.

Waxa ay u mahadceliyeen dhakhaatirta kuwaasoo ku guuleystay in ay ka soo saaraan calooshiisa buraashka ilkaha oo uu laqay.

Mr Charo oo saxaafadda Kenya la hadlay ayaa ugu baaqay dad kale in ay taxadar muujiyaan marka ay ilkaha cadayanayaan.

Waxa ay ahayd arrin aan suuragal ahayn in la maqlo qof ayaa  laqay buraashka lagu cadeydo dabadeedna lagu guuleystay in laga soo saaro calooshiisa.

Inta badan isbitaalada ayaa iska fogeeyay in ay qaliin ku sameeyaan kiiskan maadama aysan u heysan taqasus, ka hor qaliinka raajo ayaa la saaray buraashka ku dhex jira caloosha Mr Charo, sida uu baahiyey Telefishanka maxalliga ee Citizen.

Arrintan ayaa noqotay mid aad looga hadlay baraha bulshada sida Twitterka iyo Facebook.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments