Nagu Saabsan

Nagu Saabsan

Ku soo dhawoow bogga rasmiga ee SoomaaliKabe.net, waa warbaahin loo aasaasay in ay dhowrto danta guud, qaranimada, sinnaanta, shaacinta runta, madaxbannaanida ummadda, diinta, xuquuqda aadanaha, difaaca dhulka hooyo bad iyo berriba iyo in uu bulshada ay uga digto halisaha.

Soomaalikabe wuxuu ku shaqeeyaa mabaadii’da warbaahinta dadweynaha ee la xiriira kor u qaadidda himilada iyo horumarka bulshada Soomaalida.

Soomaalikabe looma aasaasin kaliya in uu wararka maalinlaha dadka usoo gudbiyo, balse sida magaca aad ka arki karto wuxuu xoogga saarayaa in uu ka sheekeeyo horumarka laga sameeyo Soomaaliya.

Soomaalikabe waxa uu si cilmiyeysan u falanqeeyaa dhacdooyinka ka jira dalkeenna Soomaaliya ee saamenta ku leh nolasha bulshadda.

Soomaalikabe waxaa ka go’an inuu marwaliba kuu soo gudbiyo Warar cusub iyo Muuqaalo ku raaligaliya.