Muu Dhintay?

Malin dhoweyd ayaan xisaabiyay. Maxaa igu watay. Soddon sanno ayaan ka dhigay. Waa muddadii aan ka wax uun karinayay. Waa muddadii aan shan madaxweyne oo kala duwan wax u karinayay. Kan imika aan cuntada u kariyo marka laga reebo, afar kale ayaa ka horreeyey. Alle ha u naxariisto afartoodaba. Kolley sidii hore uma firfircooni. Qalad ha ii fahmin, cuntada dhadhankeedu waa macaan, laakiin aniga ayaa itaalkaygii daciifay. Saddex dheri ayaan mar wada karin jiray, hadda mid baan saacad dul taagnaadaa. Waan ogahay inaanay jilbahaygu taagni badan qaadi karin, balse fadhigana xal uma arko. In badan waa la’igu buuqay, aw Cismaanoow maad shaqadan iska daysid haatan waad gabowdaye. Dabcan si toos ah cidina iiguma odhan balse waan dareemayaa. Maalin dhoweyd oo aan gacanta miiska la waayey ayaa mid xunoo meesha i ag joogay oo uu madaxweynuhu dhalay dadkii ku yidhi aw Cismaan uu suux-suuxayaa. Hadda waxba maan noqon oo markiiba waan is qabtay. Xaaraami yar buu ahaa. Adigu kasoo guduboo, natiijadu waxay noqotay in mid yaroo i caawiya la’ii keeno. Waan iska garanayaa oo waa kii i bedeli lahaa. Inantiina was. Firfircooonaa! Waxaaban soo xasuustay 82-kii sidaan ahaa. Gaajadii i haysay iyo sidaan dadka isaga dhisi jiray. Bartii baabu marayaa kanna. Waan iska ogolaaday, hadda uu ila shaqeeyaa. Dabcan wuxuu jecel yahay inuu wax iga barto, inaanan fahmayn buu moodayaa laakiin wuxuu rabaa inuu suuqa iga saaro. Iga walle inaanan ku barayn waxyaabaha qaar, weligaaba soo dhuun dheerow.

Runtii wax ay iga ahayd ma garanayo, laakiin weligay aniga oo aan barnaamij cuntokarin ah daawan, ayaan maanta shaashadda ka daawaday. Waxaan damcay inaan ku daydo oo aan wax cusub madaxweynaha u kariyo caawa. Si aan loo odhan oday Cismaan way ka dhammaatay. Barkimo-waraabe cuntada lagu darayay ayaan isha lasii raacay. Wax macaan baabay u ekayd. Bahashaa waa inaan tijaabiyo, lacagna dee iguma joogto oo waataa bannaanka ka baxda. Adeeggii casarka ee aan kan yar u diri jiray ayaan keligay doonay maanta. Bac dhan oo barkimo-waraabe ahna waan sitaa. Kii

yaraayoo i sii sugayaa ayaa afka dheer sidaa soo yidhi. Waar orod oo telefiishanka iska daawo adigu caawa, waxan garan mayside. Wallee keligay ayaan ku mijobaxsaday. Suqaar uu madaxweynuhu aad u jeclaa ayaan bahashii oo aan aad u dhanaaneeyay ku dhex shiilay. Sidii caadiga ahayd ayaan madaxweynaha hortiisa ku dhadhamiyay waanan hor dhigay. Qaddar kooban goortii aan fadhiyay, ayaa warkii aan sugayay mid aan ahayn igaga yimid dhankii madaxweynuhu wax ku cunayay. Waa xoghayntiisii oo ordaya. Arrinku ma saalloona. Qaylo iyo buuq kadib waxaan fahmay in uu madaxweynuhu ku xanuunsaday cuntadii aan sameeyay, afka ayaabu ka xumbaynayaa. Su’aalo badan oo la’i weydiinayay ayaan maqli waayey, kuwaygii aan is weydiinayay ayaan ka jawaabi kari waayey. Wuxu tolow ma sun bay ahayd? Oo sowkuwii naagihii cadcaddaa cuntada ku darsanayay, wax xumbaynayana maan arkayne.

Dhakhtarkii madaxweynaha u khaaska ahaa oo qalabkiisii lala daba ordayo ayaa u galay. Fadhi ayaan xamili waayey. Ma maanta oo aad toddobaatan jir ku dhow dahay ayaad wax kharribtay, Ilaahayoow ceebtayada astur. Hore iyo dib ayaan u socdaa. Wax uu ku sugan yahay ma garan karo. In uu sumoobayse waan gartay. Ma madaxweynihii baan dilay? Alla macbuudkoow i astur. Oo imika anaa odaygii sidan u galay. Malaha lafbaa ku istaagtay. Oo dee suqaarku lafba muu lahayne. Midda kale weligii waxba kumuu noqon. Caawa bahashaa xunee rabadhka ah ayaa saa’id ku ahayd, markaa waa iyada. Toloow ma qaar sunaa jira? Halkaa goortii aan marinayo ayuu xoghayihii oo ordayaa kasoo booday albaabka, markan uu ooyayaa. Dhakhtarkii oo aad u dhididsan ayaa kasoo daba baxay. Naxdin ayaa i saaqday. Adeer siduu yahay madaxweynuhu? Ayaa iga soo baxday. Labadooduba dhankayga ayay soo eegeen iyaga oo

shucuur badan wejigooda ka muuqato. Jawaabta ayaan sugi kari waayey. Alla tollaayeey, adeer muu dhintay?

W/Q: Ismaacil Ubax 

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments