Muqdisho: Magaalo aan dhimanayn!

0

 

Qalin iyo warqad ayaan ku wareejiyay wixii aan islahaa ka dib safarkaaga ayaa xog looga baahan doonaa; safar adduunyo oo u dhigma kii aakhiro. Wax kale maahee waan dardaarmay. Kolka ay dunidu kaa yarayso ifkii ay ku siin jirtay oo godku kuu bidhaamo waa gar in aad baqato oo wax kuu qarsoonaa aad qub la jabin karo ku ogaatid.

Imminka waan baxayaa- waxaan galayaa sadcaal dhul ahaan u fog, ammin ahaanse dhaw tan iyo intii dayuuraduhu soo bexeen. Hore uma arag balse dhegtu wax san kama aysan maqlin. Waxa keli ah ee ii sawirnaa ayaa ahaa malag i heli doona. Malagga meesha wax ku dila wuu noocyo badan yahay oo qaab lagu yaqaan ma leh. Si kasta oo aad u dhuuman lahayd, ma taqaannid wax aad si gaara isaga ilaaliso. Waa sidaa hummaagga keli ah ee aan ka haysto, ehel iyo qaraabana ay ka og yihiin. Qaraabada badan ee iga horraysa ayagu way nool yihiin balse maanta isku nolol in aan nahay ma mooddid. Tayda oo qura ayaa dhadhan gaara ii leh.

Anigu eedda ma lihi, magaaladuna ma ay laha. Waxa sidaa wax iigu sheegay waa laba arrin oo qura. Haybta dhalashada iyo aafooyinkii usha iyo diirka kala gaaray ayaa kow ka ahayd balse sidaa uma aysan xoog badnayn. Waa halkii Raadiyaha Galmudug iyo Isbaaradu waa qalbiga. Tan ugu daran oo aan berigaasna ku taxnaa waa musiibada hadasha ama wax qorta ee warbaahinta. Ayaga ayaa eedda magaalada ka galay. Waa ayaga kuwa ii sawiray bahal dilaa ah oo i heli doona. Maalin kasta dad tiro badan ayaa la qashaa, tacsi iyo tiiraanyo ayaa ah nolosha keliya ee halkaa ka jirta. Kolka aan dharkayga iyo dhawr buug boorsada gashanayay dunidu dhadhan badan iima sii lahayn.

Waxaa ii sawirnaa aniga oo si uun dunida u macsalaameeyay iyo ehel tiiraanyo mooyee aan tabar kale hayn. Labada ilmood ee xilligaas ii joogtay oo agoon ah ayaa walwal gaar ah igu hayay. Waa duni aafada iyo barwaaqadu ay wada kulmeen balse belada oo qura la xuso, lana sheegsheego. Weli waa sidii oo dadka dayro keliya baa ka soo hartay.

Ubaxa iga horreeya, farxadda iyo nolosha sii kobcaysa; tacliinta iyo tartanka horumar ee jira waa mid aan cod ahaan u jirin oo aan la xusin. Yeelkadeed oo aniguba xagal qura ayaan wax ka eegayay. Isma weydiin sida dad rajo lihi ay bilaa rajo u noolaan karaan? Isma weydiin in ummadi aanay dhaqnaan karin haddii sharku u yahay nolosha keliya ee ay haystaan! Lama sheegin shar meel ku kaliyoobay oo ay nololi ka sii jirtay. Sunnada kawnigaa ayaa dhigaysa in kol walba ay khayrka iyo sharku hardamaan. Midiba mar ha calanwalleeyo balse waa hubaal in uusan sharku sii xididaysan. Wax badan oo aan ogaal ahaan u hayay ayaanan garashada weydiin. Ma weydiin ayaan karaa, waan suuxsanaaye.

Waa gar oo nafta ayaa ah mid iska jecel nolosha, farxadda, cabsi la’aanta iyo raaxada. Dhibta iyo goobaha laga soo sheegaba aad ayay u kahataa; In ay dani ku khasabto mooyee, iskuma ay biimayso. Maalintaas iyada ah layaab iguma aysan ahayn in welwel uu igu beermo, ehelkana uu ku tallaalmo. Goob la hafray oo intii jirtay wax loogu sii daray ayaan ku wajahnaa, shaqo iyo muraad ayaana iga galay. Waqti xilligaa ka horreeyay siddeed sano ayaa mar la’igula taliyay in aan jaamicad ka dhigto, balse ma yeelin-dhibta laga soo sheegi jiray aawadeed. Imminkaba weli waa laga soo sheegaa balse farqi weyn ayaa u dhexeeya. Magaca dilka iyo dhimashada oo qura ayaa ay ka siman yihiin. Waayo ay dunidu si xawli ah isubeddeshay ayaa la soo maray, ayaduna geeddi garbihiisa la kala jiidanayo ayay la guuraynaysay. Dad ayaa ku dhaqnaa, weli ku dhaqan, kuna dhaqnaan doona. Si kasta oo ay gawraceeda tashi la’aan isugu garabsadeen shaqsiyaad maanka ka gumoobay, waa ay dhiman wayday, dhimanna mayso. Ubaxyo iyo miro ayaa ka soo baxa, if iyo dhalaalna u kordhiya balse nolosha ka jirta waa mid la aammusiyay, afkana laga tolay. Nabsi uu carrabku galay, welina galayo baa muuqda, xilliga uu dhammaan doonana Allaa og. Ma meel kii ay korisay, tacliimisay, barbaarisay ee u roonaan lahaa uu waxtar daaye, samaanteeda qariyay, xumideedana baahiyay, baa cidi bili kartaa? Madal walba qaayaheedu waa qofkeeda, tanna qalab qof marani ku hadlo ayaa dheeheeda qayiray!.

Saacad iyo bar ayay hawada nala maraysay. Si kasta oo ay duug u ahaydna Eebbe nagu ammaan geli. Garoon dawladdii hore ka tagtay oo iska ladnaa ayay cago dhigatay. Bannaanka ayraboorka ayaan nimid oo dadka dadkooda sugaya iyo tagaasilaydaba la tubay meel xogaa ka fog teerminaalka. Habaryartay ayaa igu sugaysay halkaa. Habaryari waa hooyo, hooyana eray hodan ah oo ammaana, xaqeedana gudi kara qaamuuska laga heli waa- Eebbe ha daayo oo ha karaameeyo. Waxay i geysay gurigeeda oo ku yaalla agagaarka isgoyska Cali-Kamiin. Intii aan maraynay jidka u dhexeeya gegida iyo gurigeeda waxaan ku mashquulsanaa daalka iyo daaltirka isfeeryaalla ee magaalada ka muuqda. Magaalo madaafiic lagu gubay, gacanna lagu dayactirayo ayaa goonyaha oo dhan iiga muuqanaysay. Waxaan fiirsanayay oo maankayga cariyay in magaaladu ay tahay goob dagaal iyo daryanku dawakhiyeen, nolosha iyo himiladeeduna ay hanuuniyaan. Ismalahayn magaalo qumman oo rajo leh ayaad u tegi doontaa, waxaase yaab iyo amakaag igu ahaa dhismaha iyo dayactirka socda iyo sida aanay cidi u ogayn, una sheegin. Quruxda iyo bilicda luntay ee baadigoobka loogu jiro balse aan cidi u daymo lahayn ayaa ahayd astaan muujinaysa in ay tahay meel wayday ciddii waxa ka maqan u haybin lahayd. Dadku ayaga ayaa nool oo nolosha u roon, waxayse waayeen cid hannaan wacan leh, tubtana la toosisa. Tacliintu waa astaanta lagu garto tiigsashada horumarka iyo tabcashadiisa, goobaha lagu bartana waxay ahaayeen meelaha aan sida gaarkaa u eegayay daqiiqadaha yar ee gaarigu na soo waday.

Xilli barqo ah ayay ahayd oo ay ardaydu dugsiyada ku jiraan, dariiqana aan lagu arki Karin balse iskuullo ha’ii dambeeyaane, tirada jaamicadaha ku yaallay ee ii muuqday oo qura ayaa ashqaraar kale ahaa. Tayadu waa nin tanaaday tacabkiis e, halkan tiir nololeed ayaa taagis lagu wadaa ayaan dhaliil kasta oo aan hoos u dhugan lahaaba isaga moosay.

Maalinkaas kadinka guriga meelna uma dhaafin, baqdin iyo walwal toonna iguma aysan harin. Waayo? Xabbad sharqanteed ma aanan maqlin saacadihii tirada badnaa ee aan markaas joogay. Xarun dadqalato haddaan iman lahaa, shaki la’aan dhiillo ayaan dadka sheekadooda ama dareenkooda ka dhex heli lahaa balse farxad iyo degganaan oo qura ayaa iiga muuqanaysay. Inkasta oo aan saacado qura iyo hal xaafad oo keliya qiimayn dhaba lagu samayn karin, haddana in igu filan oo dareenkayga beddeshay ayay ahayd. Been maaha oo galabtaas neecawda dhacaysay iyo degganaanta meeshuba waxay igu beereen jacayl kobcay sannadihii dambe ee aan ku soo noqnoqday. Xaafadda oo goobta shaqada inyar ka fogayd darteed, ayaan u guuray hudheel saaran jid-marreexaanka. 27-cisho oo aan joogay, wax i dhiba, wax i maaga iyo wax shiddo iila yimaada toonna ma arag- Xaafado dhawr ahna waan booqday, qabiilkaygana cidi ma haybsan. Marar dambe oo aan ku soo laabtay shanta waqti masaajid ayaan ku tukan jiray cabsi la’aan. Waxa keliya oo aan la baqayay waxay ahayd isbaaro ay warbaahintu igu dhex beertay. Berigaas ka dib waa dhif in aan dhagaysto, daawado ama aan akhristo wararkooda.

Imminka oo aan soo moogahay sannad iyo sagaal bilood, waxaan hubaa in wanaag badani u sii kordhay. 2012-dii oo iigu horraysay iyo sannadihii ka dambeeyay ee 2014/2015/2016-dii waxaa mar walba ii muuqanaysay isbeddel nololeed iyo horumar soo kordhaya. Laba wax oo qura ayaana ka maqan: dad u damqada oo wanaaggeeda suuq geeya iyo cid u diir naxda oo dhaawacyadeeda daweysa-dadka ay dhashay iyo kuwa ay astaanta qaran u tahay ayayna marti ugu tahay. Waa Muqdisho. Magaalo aan dumi doonin, dunidana dib ula jaanqaadi doonta, idanka Alle. Waa muunadda dal dadkiisii ay noqdeen dadyoow kala dan ah, duntuna u kala go’i wayday. Waa damiir yara suuxsan oo mar uun soo naaxi doona.

W/Q: Maxammed Gaanni.