Morocco oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee martigaliyey koobka CHAN kuna guuleysta

Xulka qaranka Morocco ayaa ku guuleystay Axaddii, koobka Qaramada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ee CHAN.

Morocco ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee martigaliya koobkna kuna guuleysta, waxa ay 4 iyo 0 ku garaaceen xulka Nigeria cayaartii fiinaalka.

Xulka ka socday dalak ku yaalla galbeedka Afrika ee Nigeria ayaa ku cayaarayey 10 cayaartoy kaddib markii cayaaryahan Peter Eneji Moses laga saaray garoonka qeybtii labaad cayaarta taasoo sabab u ahayd markii loo taagay kaarkiisa labaad ee Jaalaha.

Kooxda Nigeria ayaa wixii intaas ka dambeyay waxaa ku dhacay niyad jab iyo isku dhex yaac, taasoo ay ka faa’ideysteen kooxda martida loo yahay ee Morocco.

Cayaartoyda Morocca ee koobka ku guuleystay (Getty)

Zakaria Hadraf, ayaa goolka koowaad u dhaliyey kooxda Morocco, kaasoo ka dhigay cayaarta in xulkiisa ay hoggaanka u qabtaan.

Morocco ayaa cayaarta ku guuleysatay kaddib markii saddex gool ku dhalisay muddo 12 daqiiqo, waxaa ku jiray gool kale oo u dhaliyey Hadraf oo cayaarta xaley ka dhex muuqday.

Taageerayaal fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaasoo ku faraxsan guusha kooxda Marocco ay gaartay.

Taageerayaasha Morocca ee gaaroonka ku sugnaa (Getty)

Cayaaryahanka goolka afaraad dhaliyey Ayoub El Kaabi, waxa uu tartanka intii uu socday dhaliyey sahaal waana cayaaryahanka ugu goolasha badan illaa hadda.

Haddaba, cayaartoyda kooxda Morocco ayaa waxaa dalab ugu yimid kooxo ka dhisan Yurub iyo kuwa dhisan waddanka Saudi Arabia.

Waa markii ugu horreysay Morocco ku guuleysato koobka tan iyo 1976.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments