Mohamed Salah oo ku guuleystay Kabta dahabka

London (SK)- Xiddiga reer Masar Maxamed Saalax ayaa rikoor cusub ka dhigay horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu ku guuleystay gool-dhallinta horyaalka.

Xiddigan ayaa kooxdiisa Liverpool 32 gool u dhaliyey kaddib markii uu cayaaray 38-dii kulan ee horyaalka Ingiriiska oo shaley ugu dambeeyay.

25-jirkan ayaa noqday cayaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka Ingiriiska, xilli cayaareedkan.

Waxaa u soo dhawaaday Harry Kean oo isna dhaliyey 30 gool oo Tottenhamp weerarka uga cayaara isla markaana labadii xilli cayaareed ku guuleystay kabaha dahabka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments