Maxamed Saalax oo ka baaqday tababbarka xulka qaranka Masar

0

Grozny (SK)-Xiddiga reer Masar Maxamed Saalax aya ka baaqday tababbarkii ugu horeeyey ee xulka dalkiisa ku qaatay dalka Ruushka Axadii shaley maalmo uun ka hor tartanka koobka adduunka ee dalkaasi ka dhacaya.

Saalax oo hadda aad uga soo kabanaya dhaawicii garabka ka gaaray cayaartii kama dambeesta ahayd ee koobka kooxaha qaaradda Yurub ee kooxdiisa Liverpool la yeelatay kooxda Real Madrid ay ku guuleysatay.

25-jirkan ayaa si weyn looga dhursugayaa sida uu uga qeybgali doono cayaaraha xulka dalkiisa uga qeybgalayo tartanka ka dhacaya dalka Ruushka.

“Aad baan u xamaasaysanahay, diyaar baan ahay, inshaa Allah waxaa rajeenayaa in arrimuhu ay si fiican u dhici doonaan, niyadeydana aad bey u sareysaa” ayuu yiri Maxamed Saalax oo u warramay wakaaladda wararka AFP.

Saalax ayaa sheegay in aan la saadalin karin halka xulkiisa uu ka gaarayo tartanka ka dhacaya Ruushka, balse waxa uu sheegay in hanka cayaartoyda uu weyn yahay oo ay natiijo fiican ay keeni doonaan.

Si kastaba, dhaktarka xulka qaranka Masar Mohamed Abou al-Ela ayaa qiray Saalax in uu seegi doono kulanka furitaanka xulka Masar ay cayaareyso Group A.

“Weli waxa uu dareemayaa xanuun, nooca dhaawac ee gaaray waa mid u baahan soo kabasho seddax toddobaad ka hor inta uusan ku soo laaban garoomada”ayuu yiri Abou el-Ela.

Saalax waa laga yaabaa in uu diyaar noqdo tartanka koobka adduunka oo si rasmi ah u billaabanaya June 19 kaasoo ka dhacaya Saint Petersburg.

Masar ayaa la cayaari doonta xulka Saudi Arabia.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com