Maxaa kala qabsaday Mark Zuckerberg & Aqalka Odoyasha Mareykanka?

Nairobi (SK)- Mark Zuckerberg todobaadkii horre waxay u ahayd mid adag, 10 saac oo su’aalaha labada aqal ee Maraykanka ayuu wajahay, Maalintii Salaasada ee la soo dhaafay si fudud ayuu uga soo gudbay Aqalka Odoyasha (Senate), laakiin waxaa maraqiisa cabbey, Xildhibaanada Aqalka Kongoresska.

Lama yaabayo in Facebook uu wax ka og yahay website kasta ee aad booqato, waxa uu og yahay waxkasta oo aad Internetka ka baarto, si looga iibiyo kuwa xayeysiinta lacagta ku siiya, waxa uu Kunbuyuutarkaaga ku keydiyaa Cookies, xitaa markii aad ka baxdo websitekooda duubaya raadkaaga, waa xaqiiq Facebook ma ahan Free (bilaash) waxa uu gadaa waa xogtaada, waana sababta aad xeysiisyad dhibta ah (annoying ads) ugu aragto sabuuraddaada Facebook.

Facebook waxaa u keydsan xogkatsa oo aad delete garaysey, xogkasta, sawirkasta, xafladkasta, goobkasta oo aad booqatey.

Waxay wadeen mustaqbalka qorshe ah in ay yiraahdaan waxaan rabnaa in aan ogaano waxa aad ku fekereysid, markaas ayey saareen laxan soo jiidasho leh waxaa laga hortegi karaa kuwa ku fekaraya in ay ia dilaan, waxaan filayaa Mark Zuckerberg in uu shalay candhuuftiisa dib u liqay.

Haddaba maxaan niraahnaa kolba waxba inooma qarsoonee waxaan la wadaageyno aan ka taxadarno.

Maxaan kale oo niraahnaa Ilaahoow Facebook nagamadooy, Aamiiin

W/Q:Ismaaciil Aw-musse

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments