Maxaa ka jira in madaxda Soomaaliya iyo Imaaraadka uu wadahadal u furmay?

Nairobi (SK)-Idaacadda VOA ayaa baahisay in wadahadallo ay u billowdeen madaxda sare ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday madaxda sare ee Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shirkii 29-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ee ku soo dhammaaday magaalada Damaan ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay Madaxda labada dhinac ay wada hadlayaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay markii horaantii bishan garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay boorsooyin ay ku jiraan ku dhawaad 10 milyan oo dollar oo ay keentay diyaarad gaar ah oo laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka waxa ay sheegeen in lacagtaas loogu talagalay ciidamada ay tababbaraan ee ku sugan Soomaaliya iyo howlwadeennada safaaradooda Muqdisho.

Halkan Hoose ka dhageyso wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlaya wadahallada u billowday Soomaaliya iyo Imaaraadka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments