Maradona: “Ingiriiska waa u burcadeeyey Colombia”

0
Maradoona: "Ingiriisku waa u burcadeeyey Colombia"

Moscow (SK)- Xiddigii horre ee Argentina Diego Maradona, ayaa ka hadlay guuldaraddii kooxda Colombia ka soo gaartay wareega 16-ka ee koobka adduunka oo ay ka reebtay kooxda Ingiriiska.

Maradona ayaa sheegay in Ingiriiska inuu u burcadeedyey Colmibia oo guusha laga dhacay.

57-jirkan ayaa sheegay in kooxda Laatin Amerika ka socotay ay ka fiicneed kooxda Ingiriiska marka loo eego cayaartii looga soo gudbayey wareega 16-ka.

Maradona oo xiran fannaanada kooxda Colombia ayaa sheegay in Garsoorkii cayaarta Mark Geiger uu u eexday kooxda Ingiriiska.

“Waa kuwan garsooraha go’aansada, haddii aad Google ka raaadiyo cayaaraha uu qabtay ma heleysid macluumaad sax ah oo ku saabsan Geiger, oo ah nin Mareykan ah, maxaa dhacay marka,” ayuu yiri Maradona ka hadlayey Telefishan ku yaalla Venezuelaoo loofa faaloonayey koobka adduunka.

Dhinaca kale, kabtanka kooxda Colombia ayaa sheegay in garsooraha u dhashay dalka Mareykanka uu sameeyay wax aad looga xumaado ah maadama uu u xagliyey kooxda Ingiriska.

Xulka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay wareega rubac dhammaadka uga soo baxay rigoorooyin kaddib markii ay ka badiyeen kooxda Colombia.

Ingiriiska Sweden ayuu la cayaarayaa Jimcaha berri.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com