Manchester City oo laga hor istaagay guulihii isdaba-jooga ahaa!

0
during the Premier League match between Burnley and Manchester City at Turf Moor on February 3, 2018 in Burnley, England.

London (SK)- Kooxda Macalinka Guardiola ayaa hal dhibic kala hoyatay garoonka Tuff Moor ka dib markii kulan adag galabta ay foodda isku dareen kooxda Burnley.

Kulankan oo ahaa mid xiiso gaar ah watay ayey ku dooneysay kooxda hogaanka haysa ee Blue Sky in ay afka ciidda u darto kooxda ay martida u ahayd,balse arintaas wey suurtagaliweyday.

Walow kooxda Manchester City gool ay ku daah-furtay ciyaarta daqiiqadii 22-aad markii uu saxiixay xiddiga Danilo ayaa kulanku uu ahaa mid miizaankiisu uu u janjeero dhanka kooxda Blue Sky,iyadoo heerka kubad maamulka garoonka ay ku heer sareysay 71%,waxaana kooxda Burnley heerka kubad maamulidda garoonka lagu qiyaasay 29%.

Waxeyna taasi muujineysay in laga itaal badnaa,xilli Burnley ay adkeysatay xagga Danbe ee difaaca taas oo ka hor-istaagtay kooxda macalin Guardiola in ay goolasha ugu darto kooxda Burnley.

Kooxda Burnley difaaca adag ee ay xirteen dadaalka iyo kartida ay muujisay waxey u suurtogalisay in goolka barbarada ay hesho daqiiqadii 82-aad,iyadoo uu u dhaliyey xiddiga lagu magacaabo Gudmun

Kulanku intuu socday waxaa macalinku uu bixiyey shan kaarka cas ah afar ka mid ah waxaa qaatay kooxda Burnley halka mid Ka mid ahna loo taagay kooxda Manchester City.

Waxaa kooxda Blue Sky ay sameysay isku day gool sideed jeer,xilli kooxda Burnley Saddex jeer ay isku daygaas sameysay.

Kooxda Manchester City oo hogaanka Primeir League ku haysa farqi balaaran ayaa leh dhibco gaaraya 69 dhibic,iyadoo kooxda Burnley ay leedahay 36 dhibic kuna jirta kaalinta 7-aad

W/Q: Maxamed Cumar Abiib

Kampala-Uganda