Mahrez oo ku dhow inuu Man City u wareego

0

London (SK)- Riyad Mahrez ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Manchester City isagoo ka tagaya naadiga Leicester xagaagan, sida laga soo xigtay wargeyska the Daily Mirror.

Xiddiga reer Algerian ayaa ku dhow in uu wareego naadiga ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska iyo macallin Pep Guardiola.

Mahrez ayaa la filayaa in uu bisha January u wareego kooxda Man City balse kooxda dacawada loogu yeero waxa ay dalbatay £80 million si ay u fasaxdo.

Lacagta kooxda Leicester la siinayo ayaa la dhameeyey iyadoo maalmaha soo socda la shaacin doono.

Man City ayaa rabta in ay cayaartoy cusub la soo wageerto xilli cayaareedka cusub ee soo socda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com