Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay -VIDEO

0

Nairobi (SK)- Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa heshiisyo taarikhi ah kala saxiixday magaalada Nairobi ee xarrunta dalka Kenya.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay dalka Kenya, waxaana ay la kulmeen madaxda Kenya, sida madaxweynaha Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiiisa.

Madaxda labada dal ayaa ka hadlay xoojinta arrimaha ganacsiga, ammaanka iyo arrimo kale oo quseeya labada, sida lagu sheegay war lagu qoray wargeyska The Nation ee Kenya ka soo baxa.

Labada madaxweyne ayaa si weyn uga hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood iyo arrimaha gobalka.

Sidoo kale kulanka labada dowladood ayaa waxaa kaloo lagu lafaguray arrimaha ammaanka.

Labada dal waxa ay ciidamo ku deeqeyn howgalka Midowga Afrika ee (Amisom) iyagoo la dagaallamaya Al-Shabaab.
Kulanka labada madaxweyne ayaa yimid labo maalin kaddib markii ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu sidoo kale booqasho ku tagay Nairobi isagoo madaxweynaha Kenya kala hadlay arrimahan oo kale.

“Waxaa ka hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo arrimaha ammaanka ee qarankeenna, Labada dal waxa ay sidoo kale ka hadleen dhibaatooyinka ka jira dalalka ku yaalla gobalka iyo sida lagu xaqiijin karo bad qabka dadka labada dal,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Madaxweyne Geelle ayaa isna yiri: “Waxaa ka hadlay caqabadaha ka jira gobalka, waxaa ka hadlay sida looga hortagi karo kooxaha xagjirka iyo caqabadaha, waana taas waxa aan ciidamadeenna millitariga ugu dirnay Soomaaliya si ay uga caawiyaan xasilloonida dalkaas kaasoo saameyn nagu leh.”

Arrimaha ganacsiga.

Waxaa labada dowladood ay isku raaceyn in diyaaradaha Djibouti Air iyo Kenya Airweys oo hadda kaddib yeelan doona xiriir xagga diyaaradaha iyadoo labada diyaarad ay tagi doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Jabuuti.

Hoggaamiyayaasha ayaa taageeray horumarka ay gaartay Soomaaliya iyagoo ku baaqay in waddamada deeqaha bixiya ay sii wadaan taageerada ay siinayaan AMISOM.

Jabuuti waa dalka saddexaad ee ugu yar Afrika, waxaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasayaa $1.7 billion, waa dal ay saldhigyo millitari ku lee yihiin ciidamo ka socda Mareykanka, France, China iyo Japan. Spain iyo Germany ayaa sidoo kale ciidamo ay ka joogaan balse waxa ay ku sugan yihiin saldhigga millitariga ee Faransiiska.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com