Madaxweynaha Puntaland oo beeniyey in xiriirka ay lee yihiin Imaaraadka uu go’ay

0

Boosaaso (SK)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horreysay ka hadlay saraakiisha Imaaraadka ee ka baxay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, kuwasoo tababbarayey ciidamada badda Puntland iyo xiriirka Puntland ay la lee dahay Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Boosaaso ayaa shir jaraa’id qabtay isagoo beeniyay wararka sheegaya in saraakiil Imaaraad ah ay ka baxeen deegaannada Puntlandw Wuxuuna dawladda imaaraadka ka codsaday in la sii xoojiyo xiriirka ay lee dahay Puntland.

“Ma jirto cid noola siman imaaraadka oo noo buuxin karta halkay noogu jireen”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka in uu sii wado tababbarada uu siinayey ciidamada badda Puntland oo saldhigooda ku yaalla Boosaaso.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay iyadoo Imaaraadka uu shaley sheegay in uu joojiyey howlihii tababbarka ciidamada Soomaaliya, iyadoo dowladda Imaaraadka u sababaysay lacagtii malaayiinta dollar ee dhawaan ciidamada ku qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidaas waxaa baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka WAM.

Imaaraadka iyo Puntland xiriir dhow ayaa ka dhexeeyay iyadoo horrey Puntland u oggolaatay in shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka iyo Puntland ay galeen heshiis ku kacaya 30 sanno oo ay ku jirto in ballaariyo dekedda Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in la wareegeyso dhammaan ciidamada ay tababbareysay Imaaraadka Carabta isla markaana ay bixineyso mushaaraadka la siiyo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalkabe@gmail.com