Macallinka xulka Spain oo la eryey maalin ka hor tartanka koobka adduunka

0
Julen Lopetegui oo laga ceyriyey xulka Spain Lahaanshaha sawir: AFP

Madrid (SK)-Maalin uun ka hor billowga koobka kubadda cagta adduunka ayaa waxaa shaqadii laga eryey tababarihii xulka qaranka Spain Julen Lopetegui.

Arrintan ayaa imaaneysa maalin uun kaddib markii kooxda Real Madrid ay shaacisay Lopetegui in uu noqon doono macallinka cusub ee kooxda kaddib koobka adduunka 2018.

Heshiiska Lopetegui uu la galay kooxda Raeal ayaa ku soo beegmay seddax toddobaad ka hor markii xiriirka kubadda cagta Spain ay u kordhiyeen xilliga uu la joogayo xulka qaranka Spain taasoo laga dhigay illaa 2020.

Real Madrid ayaa qoraal ay soo dhigtay dagalka Internetka ay ku lee dahay ku shaacisay in naadiga Real Madrid ay shaacineyso in Julen Lopetegui uu noqon doono macallinka cusub ee kooxda isagoo la joogi doona seddaxda xilli cayarareed ee soo socda.

Lahaanshaha sawirka (Getty)

Si kastaba, Zinedine Zidane ayaa iska casilay kooxda kaddib markii uu kula guuleystay koobkii saddexaad ee horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League kaddib markii kooxda ka dhisan garoonka Bernabeu ay 3-1 uga badisay Liverpool bishii la soo dhaafay.

Kabtankii horre ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid Fernando Hierro ayaa shaqada si kumeel gaar ah u sii heyn doona illaa inta laga magacaabayo macallin cusub sida uu qoray wargeyska The independent.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com