Macallinka sannadka 2017-ka ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay [Sawirro]

0

Muqdisho (SK)-Magaalada Muqdisho waxaa Khamiistii shaley lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayey macallinka sannadka ee Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Fardowsa Ciise Axmed in ay noqotay macallinka sannadka ee Soomaaliya.

“Barnaamijka abaalmarinta Qaran ee macallinka Soomaaliyeed wuxuu ahaa barnaamij muhiim u ah jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu shaaciyey websiteka Wasaaradda muddo horre. Waxaa soo dalbadey tiro aad u badan oo Macallimiin Soomaaliyeed ah. Wasaaraddu waxay u xilsaartey guddi ka kooban 8 qofood. Waxaa guddigu uu soo xuley 10 macalin. Kadib wareeysi dheer lala yeeshey waxaa ku soo baxdey macallimadda Fardowsa Ciise Axmed oo wax ka dhigta Dugsiga Mu’azir ee magaaladda Muqdishu.”ayuu yiri agaasimah guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Faysal Cumar oo ka hadlay goobta munaasabadda ayaa sheegay in Farowsa ay ka soo dhex baxday illaa 10 macallin kaddib markii ay qiimeen ku sameeyeen sideed xubnood oo loo xil saaray in ay soo bandhigaan macallinka ugu mudan sannadkan macallinka Soomaaliya.

“Fardowsa laga billaabo xilligan waxa ay tahay Macallimad Qaran oo matasha Soomaaliya, Waxaana ay ka qeybgali doontaa iyadoo matalaysa Soomaaliya bandhigga abaalmarinta macallinka adduunka (Global Teacher Prize) oo ka dhacaya Dubai” ayuu yiri wasiir ku xigenka.

Fardowsa waaa gabar da’ yer waxa ay ka sheekeesay sida uu yahay dareenkeeda maadama loo aqoonsaday macallinka sannadka ee Soomaaliya.

“Ma qiyaaso karo sida uu yahay dareenkeyga, Waxaa u magahadcelinayaa cid kasta oo gacan igu siisay guusha maanta aan gaaray”ayey tiri Fardowsa oo macallin ka ah iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Mu’azir ee magaaladda Muqdisho.

Fardowsa sannadkii 2016-ka ayey ka qalinjabisay Jaamacadda Muqdisho iyadoo sheegtay in guusheeda ay faraxad u tahay gabdhaha Soomaaliyeed oo dhan.

Si kastaba, Fardowsa ayaa bisha Maarso ka qeybgali doonta bandhigga abaalmarinta macallinka adduunka oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo markaas u matalaysa Soomaaliya.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com