Ma waqtigaa kugu yar mise adiga ayaa si khaldan u maamulaya?

0
Clock and Planner

Nairobi (SK)- Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Dagalka Soomaalikabe, waxa aan lee nahay Waqtigu waa qaali, maalinka Qiyaamahana waa la is weydiin

Dunidda waxaa naloo keenay in aan camirno, Allana ku caabudno. Waxaa nala siiyay waqti nagu filan oo aan howshaas ku fulino, 1440 daqiiqadood maalin walba, sabatoo ah Allaah uunkiisa kuma kallifo waxaysan awoodin.لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا Sidaas darteed waqtiga yar ama ciriiriga ah waa cilad dhankeena ka timid,kuna timid maamul xumo.

Maxaa xal ah?

Si aad u nidaamiso waqtigaaga marka hore samee sadexdan qodob ee asaasiga ah:
1-Diiwaan gelin ama record.
2-Falanqeyn ama analyze .
3-Dib u habeyn ama change.
Intaa ka dib xadid waxyaabaha kuugu muhiimsan howlmaalmeedkaaga, howl walbana u samee waqti ay bilaabato iyo waqti ay dhamaato. Tusaale qofka weyn:
10 saqiiqo oo lebis ah.
6 saacadood oo shaqo ah
4 saacadood oo waxbarasho ah
4 saac social media ah.
Ka dib falanqee maalainkaas oo soo saar 5 shey oo waqtigaaga cunay, tusaale: nus saac sheeko caadi ah, hal saac oo fadhi ku dirir ah, iyo hal saac oo facebook ah.

Inshaa Allahu waxaad arki doontaa waqti badan oo kuu safgaroobay.

Ugu dambeyn waxaad ogaataa:

Nolosha indha laanta ah waxay kaa dhigeysaa sida doon naaquuda la’aan ah, oo kolba dhinac u sabeyneysa. Waxaa laga yaabaa inaad dadaasho 10 sano, oo aadan dhaafin halki aad ka bilowday sanada ka hor, sababtoo ah waxaad tahay qof iska daba wareegaya.

W/Q: Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com