Ma ogtahay in la saari doono mardhow Dawo ka hortagta Gobowga!

0

Boston (SK)-Akhristow ma ogtahay in culimada Seynisku ay hadda wadaan cilmi baaris ku saabsan sidii loo soo saari lahaa dawo cimriga sii dheereysa.

Cimriga Bini’aadamka ayaa sii dheeranaya dunidda dacaladeeda, iyadoo taas ay keentay in Seynisyahanadu ay is weydiiyaan qiyaas ahaan cimriga dadku meesha uu gaari doono mustaqbalka.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay BBC-da badi culimada ayaa aamisan in cimriga bini’aadinku uu sii dheeran doono, sidoo kale waxaa la sii saadaalinayaa in mardhow ay soo bixi doonaan dawooyinka gabowga ka hortaga si dadku u noolaadaa qarniyo.

Lester Dray Waa nin firfircoon, howl badan oo niyadiisu sareyso waa 101 jir waa qofka ugu da’da weyn tuulada Loma Village ee Arizana.

“Waxbaa weyn doontaa haddii aad dhibka nolasha ka caabadid”ayuu yiri Lester Dray oo u warramay BBC News.

Ninkan ayaa la sheegay in uu si joogto ah uu baaritaan caafimaad u sameeyo taasoo qeyb ka ah darraasad lagu sameenayo cimri dheeriga.

 

Dr Aubrey de Gray

Seynisyahannada Google iyo Facebook ayaa boqolaal milyan oo dollar ku maalgalinaya sidii loo ogaan lahaa keena Gabowga.

Dr Aubrey de Gray waa nin aamisan in weligeed la noolaanayo, waxaa loo arkaa in uu yahay qofka ugu horreeya ee ku howlan howshan, waxa uu qabaa in bini’aadinku uu caafimaad ku noolaan karo boqolaal sanno.

“Xaqiiqdii ma jirto xaddidaad ku saabsan nolaha aadanaha, marka da’da aan xakameeno dadku celcelis ahaan ayey noolaan karaan” ayuu yiri Dr Aubrey de Gray balse waa aragtidada dadka laga tiro badan yahay.

Weriyaha warbixinta diyaariyey ayaa sheegay in nolal kordhintu ay suuragal tahay iyadoo la adeegsanayo dukhsiga, noolayaasha ilma-aragtida iyo gooryaanka haddana waxaa adkaata in noolayaasha intaas ka waaweyn lagu sameeyo.

Professor Gordon Lithagow

“Waa arag adag marka aad ka hadleyso naasleyda, Tusaale Jirka waxaa nolashiisa ku kordhinnay 20 illaa 30 %” Professor Gordon Lithagow oo ka tirsan yahay macahadlka Buck ee cilmibaarista sameeyay.

Ma tartiibin karo xawaaraha wakhtiga laakin nolal ayaan ku kordhin karnaa sannadaha waxaana ku rajo weynahay in aan noqonno dad si fiican ugu noolaada da’weyn.

Si kastaba, akhristow arrintan waa mid mucjiso ah hadiiba muddo dheer aan noolaan karo annagoo caafimaad qabna mana jirto dow la barbardhigi karo.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com