“Ma ogaan karo baahiyihiinna & waxyaabaha aad tabaneysaan annigoo baabuur qafillan saaran”

Chicago (SK) —Wargeyska Chicago Sun-Times ayaa warbixin ka diyaariyey dhacdo aad looga faalooday oo ku saabsan haweeney shaqo ku heshay duqa magaalada Chicago oo ay baabuur kuwa dadweynaha ay isla raaceyn.

Duqa magaalada Chicago, Rahm Emanuel ayaa isagoo saaran baabuur kuwa dadweynaha waxa uu maqlay haweeney kursi u dhow dhinaca daaqadda, taasoo ku hadleysay taleefan iyadoo fursad shaqo weydiinaysa mid ka mid ah shirkadaha magaalada, Si lama filaan ah ayaa taleefanka waxaa uga qaadday ninkii dhinaceeda fadhiyey kolkaas ayuu shirkaddii ay la hadleysay ku yiri: “Gabadhaan hala shaqaalaysiiyo waayo way mudantahay” kadibna taleefonka ayuu u dhiibay.

Gabadhii way la yaabtay ninka taleefanka ka qaadday haddana yiri hala shaqaalaysiiyo way istaahishaa isagoo aan aqoon u laheyn.

Akhristow ninka gabadha taleefanka ka qaadaya waa Rahm Emanuel duqa magaalada Chicago, oo ah magaalada seddexaad ee Mareykanka ugu weyn.

Arrintan ayaa markii la ogaaday waxaa aad uga faalooday wargeysyada iyo warbaahinta Mareykanka, iyadoo dadka magaalada ay weydiiyeen duqa caasimadda Chicago su’aal ahayd maxaad u soo raacdey gaadiidka dadweynaha oo aad u kaxeysan weyday gaari kuu gaar ah maadama aad tahay masuulkii ugu sarreeyay ee magaalada?, Wuxuu ugu jawaabey: Sidee baan u ogaan karaa baahiyihiinna iyo waxyaabahaad tabaneysaan annigoo baabuur qafillan oo beersool ah saaran?!.

Akhristow, sheekadan waxa ay tusaale u tahay madaxda Soomaalida iyo qof kasta oo xil ka qabta Soomaaliya in ay waajib ka saaran tahay in uu mudaanta koowaad siiyo ummadda uu xilka u hayo, haddii kale berri waa lagu su’aali doonaa marka qiyaamaha la tago.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com 

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments