Luushi: “Taajir Sacuudiyaan ah waxaa iiga roon Faqiir reer Suudaan”

0

Khartuum (SK)- Warbaahinta Dalka Suudaan iyo kuwa Carabta ayaa aad uga faallonaya qoraal ay soo dhigtay barta Twitterka gabar u dhalatay dalka Suudaan oo ka diiday guur uu u soo bandhigay ganacsade u dhashay dalka Sacuudiga.

Alaa Al-Mubaarak oo caan ku ah (Luushi- “لوشي”) waa 23-jir waxa ay sheegtay in guurka ninkan ay ka dooran lahayd  qof u dhashay waddankeeda Suudaan kaasna ay kaga kalsooni badan tahay.

Waxa ay sheegtay intii qof u dhashay dalka Sacuudiga oo maal qabeen ah uu guursan lahaa ay ka jeclaan lahayd in uu guursado faqiir reer Suudan.

“Waa ku faanaa in aan ahay gabar Afrikan ah, Sacuudi Carabiya iyo dadkeeduba waa kuwa iga sareeya,  waa ku fanaa Suudaan waxaana Alle ka rajeenayaa in uu seyga noqodo Suudaan” ayey tiri Luusha.

Labadii maalin ee la soo dhaafay warkan waxa uu noqday mid aad u qabsaday warbaahinta carabta.

Ninka ganacsadaha, ayaa la sheegay in uu ku qancay labo eray oo ay qortay oo ah “OK, OK,” taasoo dadka wax turjuma ama fallanqeeya ay sheegeen in gabadha reer Suudaan loo soo bandhigay adduun lacageed $ 25 million iyo Qasri looga dhisayo magaalada caasimadda ah ee Riyadh, haddii ay aqbasho guurka uu soo bandhigay ninkan.

Sida laga soo xigtay Websiteka “Nile” ee Suudaan laga lee yahay soo bandhigay magaca ninkan waxaana uu ku sheegay Swed Al-Jasser, kaasoo warbaahintu ay sheegtay in uu soo bandhigtay lacagta 25-milyan oo dollar iyo qasriga laga dhisayo caasimadda Riyadh, isagoo intaas dhan ku baddalanaya guurka”Luushi.”

Sida laga soo xigtay Websiteka, ninka ganacsadaha ayaa hantida uu u soo bandhigay gabadha ku qoray magaceeda ah “Luushi”.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com