Liverpool iyo Roma oo u soo gudbay nus dhammaadka Champions League

Roma (SK)- Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa xaley xaqiiqday in ay soo gaareen wareegka semi-final koobka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League.

Labada koox ayaa ka kala badiyey kooxaha Man City iyo Barcelona.

Kooxda Ingiriiska ayaa ka adkaatay kooxda hoggaanka horyaalka Ingiriiska heysa ee Man City, waxa isku celcelis Liverpool ku soo baxday 5-1.

Liverpool ayaa cayaartii xaley ku garaacday City 2-1 cayaarta ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Dhinaca kale, kooxda Talyaaniga Roma oo la islahaa waa laga adkaan doonaa ayaa guul taarikhi ah gaartay, markii 4-1 uga badisay kooxda Spain ee Barca.

Roma waa kooxdii saddexaad oo iyadoo lagu lee yahay saddex gool iska soo gudda isla markaana Barcelona ka reebtay koobka kooxaha Yurub oo la islahaa waxa ay ka mid noqon doontaa kooxaha ku guuleesan doona.

Caawa waxaa jira kulamo kale oo looga soo baxayo nus dhammaadka koobka kooxaha Yurub.

Waxaa isku dhagga Bayern Munich ? – ? Sevilla iyo Real Madrid ? – ? Juventus

Goorme ayaa la cayaarayaa semi-final draw?

Andriy Shevchenko

Sida qorshaha uu yahay maalinta Jimcaha ayaa lagu dhawaaqi doonaa qori-tuurka wareega nus dhammaadka, waxaana looga dhawaaqi doonaa xarrunta Uefa ee Nyon.

Xiddigii horre ee kooxaha AC Milan iyo Dynamo Kiev Andriy Shevchenko ayaa ku dhawaaqaya qori-tuurka

Cayaaraha semi-final-ka koobka kooxaha qaaradda Yurub ayaa la cayaari doonaa 24/25 April an 1/2 May, Halka Cayaarta Fiinalka lagu doono garoonka Olympic Stadium ee ku yaalla dalka Ukrainian iyo caasimadda Kiev.

_SOOMAALIKABE_

Nagala soo xiriir Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments