Lammaane Ajnebi ah oo suuqa Xamarweyne ka dukaameesanaya

0

Muqdisho (SK)- Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkay lammaane u dhashay waddnaka Australia.

ammaanahan oo aan wax ilaalo muuqdo aysan la socon ayaa ku wareegayay suuqa Xamarweyne, waxaana dadka qaar oo la yaabanaa ay la galayeen sawirro taleefanadooda gacanta ah.

Waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay usoo dalxiis tagaan magaalada Muqdisho oo marka dibedda laga joogo ay aad warbaahinta uga maqli jireen in ay tahay meel halis ah balse xaaladda ay ka duwan tahay marka la dhex joogo.

Lammaanahan u dhashay dalka Australia oo lagu kala magacaabo Johanna Elizabeth iyo Jean Paul ayaa booqasho dalxiis ah ku yimid dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Johanna Elizabeth iyo Jean Paul ayaa waxaa ka muuqatay wajiyadooda farxad xilli ay ka dukaameysanayeen suuqa degmada Xamarweyne, waxaana ayna ku adeeganayeen lacagta shillinka soomaaliga.

W/Q: Mukhtaar Maxamed Xasan

Ka tirsan wakaaladda dowladda ee SONNA