Lacag cid qaadata la waayey

0

Abuja (SK)- Ellen Johson Sirleaf, waa haweenaydii ugu horraysay ee qaaradda Afrika madaxweyne ka noqota, waxa ay ku guulaysatay abaal-marinta qaaliga ah ee Mo Ibrahim Price.

Marwo Sirleaf waxa gacanta laga geliyey lacag gaadhaysa Shan milyan oo Dollar, tobanka sano ee soo socda, sanad walba waxa ay heli doontaa shan milyan oo dollar, tobanka sano marka ay dhammaadaana waxa ay heli doontaa sanad walba lacag dhan $200,000(Laba boqol oo kun oo dollar), inta nolosheeda ka hadhay.

Sirleaf laba muddo-xileed oo ay talada dalkeeda haysay maamulkeeda aad baa loo ammaanay, waxana loo gartay inay tahay qof u qalanta abaalmarintan oo muddo lix sano ah la waayey hal hoggaamiye Afrikan ah oo loo garto, waxase xusid mudan in maamulkeeda lagu calaamadiyey wiilasheeda oo xilal muhiim ah ay ku taxday intii ay xilka haysay…

Lacagtan waxa bixiya Bilyaneer u dhashay dalka Suudaan oo ka macaashay is-gaadhsiinta, isaga oo uga gol leh inuu keeno xal lagula tacaalo jacaylka ay madaxda Afrika kursiga u qabaan oo loo sibir-saaray lacag raadis, waxana uu u qoondeeyey inuu hoggaamiye kasta oo qaaradda Afrika kasoo jeeda oo xukunka kaga dega muddo-xileedkiisa uu dammaanad qaado noloshiisa dambe.

W/Q: Axmed Cumar Duse