Real Madrid & Barcelona oo ku tartamaya la soo wareegista Antoine Griezmann

0

Madrid (SK)- Warbaahinta Spain, ayaa maanta oo Talaado ah baahiyey, in kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay ku tartamayaan la soo wareegista Antoine Griezmann.

El Chiringuito TV ayaa baahiyey in kooxda Barca ay tallaabo u qaadday sidii ay ula soo wareegi lahayd cayaryahanka u dhashay dalka Faransiiska.

Dhinaca kale, wargeyska Le10Sport ayaa shaaca ka qaadday in xiddigan uu heshiis hordhac ah la gaaray Barcelona isla markaana uu ku biiri doono koobka aduunka kadib.

Antoine Griezmann

Kooxda ka dhisan Nou Camp ee Barcelona ay soo bandhigtay lacagta ay kula wareegtay Griezmann taasoo ah £89m (€100m).

Warar kale ayaa sheegaya 26-jirkan inuu shaleyto guri ka raadinaayay magaalada Barcelona taasoo ka dhigan in wax walba ay dhowyihiin, lakinse mid kamid ah wargeysyada wadanka France ayaa baahiyay in labada dhinac ay heshiis hordhac ah ay gareen.

Warbixinta waxaa lagu sheegay Antoine Griezmann uu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Los Rojiblancos si uu ugu biiro Barcelona.

_SOMALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com