Kirishbowgii mustaqbalkiisa dhisay ee Waliba caanka noqday [Sawirro]

Khartoum (SK)- Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Soomaalikabe, waxa aan halkan ugu soo gudbineynaa sheeko xaqiiq ah oo u baahan in lagu daydo.

Salaax Yusuf waa wiil Sudanes ah oo Ku dhashay Gobolka Manaaqil ee Bariga Sudan , waa Curadka Aabbihiis iyo hooyadiis , wuxuu Dhintay Aabbihiis isagoo dhiganaya Dugsiga Sare, Danta iyo duruufta Nolosha ayaa ku khasabtay inuu isaga Haro waxbarashada Si uu Ugu xammaalo hooyadiis iyo wiilasha walaalihiisa ee ka yar yar oo agoonta ah.

Wuxuu bilaabay inuu tuuladiisa lowska iyo Xanjada wareejiyo lkn Caruurtii ayaa Koray oo Dugsi sare soo gaaray waana ku fillaanwayday wixii yaraa ee uu magaaladiisa ka Shaqaynjiray , wuxuu goaansaday inuu u shaqo doonto Magaalada Caasimadda waddanka ee Khartoum wax shaqo ah markuu ka waayay aan ka ahayn inuu Noqdo Kirishboyga gaari Bas ah oo dadwaynaha Gura (PL) khartoum Dhexdeeda.

Kirishbowgii mustaqbalkiisa dhisay ee Waliba caanka noqday

Gaarigu waddada uu maro waxaa ku taalla Jaamacadda ugu wayn waddanka Sudan ugu Arday badan , Ugu Magac Dheer uguna Taariikh fog. waa Jaamacadda Khartoum, Yusuf Salaax ama Yuusuf kirishboy sida saaxiibadii u yaqaananaan wuxuu Subax kasta daawada Ardayda , Shaqaalaha iyo Macalimiinta Baskiisa ka dagaya oo jamacadda Galaya.

Muuqaalkaas ayaa dareen ku reebay, wuxuuna Bilaabay inuu ka fakaro sidii uu mar uun uga mid noqon lahaa Dadka Galaya Jamacadda Khartoum , Taas waxay Ku Khasabtay Salaax inuu Goaan ku qaato inuu mar kale dib ugu noqdo Dugsigii sare ee waa Hore Duruuftu ka reebtay, wuxuuna Bilaabay inuu Subixiina Dugsiga Sare Dhigto Galinka Danbana Kirishboynimadiisa Ku shaqaysto. Markii la qaaday Imtixaanka Dugsiga Sare ugu Danbeeya wuxuu Noqoday Salaax Kirishboy Ardayga Ugu Sareeya Iskoolkii uu Dhiganayay oo kaga mid noqday ardayda darajooyinka sare keenay waddanka, Wuxuu Gaaray Hamigiisii ahaa bal inuu Mar uun Galo Jaamacadda Khartoum , wuxuu Galay Kulliyada Arts ka Qaybta Juquraafiga , 4 sano wuxuu Ku dhammaystay jamacadda isagoo ka shaqaynaya Kirishboynimadii uu reerka ka biili jiray , naftiisana ka dabirijiray.

Wuxuuna Noqday Ardayga helay darajadii ugu sarraysay ee Arday ka keeno Maadada Juquraafiga wuxuuna mutastay martabatu sharaf in la siiyo waa heerka loo qaato ardayga gaara in jamacadda laga shaqaalaysiiyo, wuxuu noqday Caawiye Macalin isla jamacadda Khartoum isla markaano wuxuu Sii watay darajada labaad ee Jamacadda isla Takhsusuka Juquraafi GIS

Salaax Kirishboy maanta waa Macallin wax ka dhiga Jamacaddii uu Ardayda Ku hor dejinjiray , dhigan jiray isagoo kirishboy ah , wuxuuna u sharaxanyahay inuu ka mid noqdo Culimada Juquraafiga waddanka Sudan.

Waxaa wax ka Qoray Dhammaan Joornaalada waddanka Sudan waxaa Waraysi La yeeshay Badanaaba TV yada waddanka Sudan …wuxuuna noqday nin Caan ka ah waddankaas dhexdiisa cidkastana maqashay warkiisa, wuxuuna guushiisa u tiiriyaya himmadiisa Sare, Adkaysigiisa iyo Ducada hooyadiis.

Salaax waa Tusaale aad u muuqda oo ina Tusinaya waddo haloosi ah oo qofkassta u furan oo kuu gaari karo Maqaam sare , Noloshiisii Hore ama tii aaabihiis say rabto ha noqotee.

W/Q: Dr Abdisamad Dhunkaal

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments