Khalad ay dadku sameeyaan oo u diida iney hurdo Raaxa leh seexadaan habeenkii

London (SK)- Dadka qaar waxaa u suurtogasha iney seexdaan 8 saacadood oo hurdo fiican ah habeen walba, waana arrinta ka dhigta iney subixii lasoo toosaan firfircooni iyo iyagoo dareemaya iney maalintii u diyaarsan yihiin.

Waxaase jira dadbadan oo iyaguna dhankooda marka ay hurdada kasoo kacayaan dareema daal farabadan iyo caajis is arkana iney weli hurdo u sii baahan yihiin marka ay subixii soo toosaan, iyagoo waxwalba sameeyay oo xilli hore seexday.

Dr Carmel Harrington oo ah khabiir dhanka hurdada ah una dhalatay dalka Australia ayaa sheegtay iney jiraan khlad ay sameeyaan dadka hurdada caajiska kaga toosa, waana inaaney jirin wakhti ay maskaxdooda ku xirteen iney hurdada kasoo toosaan, taasina ay keenayso in marka ay hurdada kasoo toosaan ay caajis farabadan dareemaan.

Carmel oo la hadashay website-ka “Whimn” ee kasoo baxa gudaha dalka Australia ayaa tiri: “Dadka intooda badani kuma baraarugsana in wakhtiga ay subixii soo sootasayaan uu saameyn ku yeelanayo hurdadooda habeenkii.”

Waxay intaa sii raacisay; “Marka aan subixii iftiin aragno maskaxdu waxay joojineysaa iney soo saarto hormone-ka Melatonin ee hurdada, waana sida saacadda biological clock ee jirka ay u shaqeyso 24 saac ee maalintii.

Si kastaba, waxaa muhiim ah si aad uga fogaato mushkiladdan oo ah inaad hurdada kasoo toosto adigoo caajis dareemaya, waxaa lagama maarmaan ah inaad wakhti go’an seexato, xilliga go’anna inaad soo kacayso maskaxdaada ku haysta, waxaa hubaal ah inaad firfircooni kaga soo toosayso hurdadaada adigoos si fiican uga dhargay.

Xiggasho: Maandeeq FM

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments