Joachim Low oo sii ahaan doona tababbaraha Jermalka

0
Joachim Low oo sii ahaan doona tababbaraha Jermalka

Moscow (SK)- Joachim Low ayaa sii ahaan doona maamulaha kooxda qaranka Jermalka, iyadoo kooxdiisa ay goor horre ka hartay koobka adduunka oo afka ciidda loo darray.

Kooxda oo difaacaneysa koobka ayaa halka hoose ku istaagtay, Kuuriyada Koonfureed ayaa ka reebtay oo 2-0 ku xaaqday.

Waa markii ugu horreysay oo kooxda Jermalka ay ku harto safka horre ee horyaalka kubadda cagta adduunka illaa 1938-dii.

Joachim Low oo tababbaraha xulka Jermalka loo magacaabay sannadkii 2006-dii ayaa heshiiskiisa laga dhigay bil ka hor illaa 2022-ka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com