Jigjiga: “Ku soo dhawow Dukaanka loogu talagalay dadka Meydka uun”

Jigjiga (SK)-Akhristow waa aragtay dukaan lagu iibiyo raashin ama dhar, balse horrey ma u aragtay ama u maqashay dukaan gaar u ah dadka dhinta ama meydka uun.

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa dhawaan laga furay Dukaankii ugu horreeyey ee la iibiyo wax yaabaha loogu talagalay dadka dhinta sida Karfanta iyo dharka kale ee meydka loogu talagalay.

Dukaanka ayaa lagu magacaabaa Aaqiro, dadka magaalada ayaa ka cabsada marka ay marayaan agagaarka dukaanka.

Haddaba, dadka magaalada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dukaanka gaarku ah dadka dhintay ee Jigjiga laga furay.

Qaar baa sheega in ay ka cararaan marka ay dukaanka agmarayaan, qaar kale ayaa sheegay in uu dadka xasuusinayo in qof kasta maalin uun adduunka laga qaadi doonno.

Dukaakanka If iyo Aakhiro ma ahan dukaan aad badeecadiisa isticmaali kartid adiga oo nool, balse waa mid qof kasta oo dadka ka mid ah uu qirsanyahay in maalin uun uu u baahan doono.

Maxaa lagu iibayaa Dukaanka If iyo Aakhiro?

Dukaanka waxaa lagu iibiyaa kafanta iyada oo cabirro kala duwan ah, kuwaas oo loo tolo hadba dalabka qofka iibsanaya, iyada oo lagu jaangoynayo dhererka meydka, iyo baaxadda jirkiisa, tusaale haddii uu ilmo yar yahay iyo haddii uu qof weynyahay, in uu dheeryahay iyo in uu gaabanyahay.

Waxaa kale oo lagu iibiyaa sheey gacmaha la gashto marka meydka la dhaqayo, iyo sidoo kale waxyaabaha lagu carfiyo meydka sida catarka, uursi iyo waliba fooxa.

Waxaa jira sidoo kale kabo loogu talogalay in lala galo qolka meydka iyo koofiyado la xirto.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments