Jaceylkaaga Wakhti la qaado

Nairobi (SK)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Soomaalikabe, waxa aan lee nahay Jimco Wanaagsan, ku soo dhawaad sheeko Jaceyl.

Muddo 12 sano ah uu Maqnaa ka dib ayuu Garaacay Telfonkeedii isla Markiiba eey Garatay. Waxey ku tiri iyadoo Indhaheeda ay soo Buuxiyeen illin Farxadeed Adiga Miyaa soo laabatay?.

Wuxuu ku dhahay Haa Guriga Hoostiisa ayaan Taaganahay, waxaana rabaa inaan ku arko

Aad ayey u Faraxday, waxeyna ku tiri daqiiqado isug Telephone-ki ayey isa saartay, waxeyna u Oroday Dhanka

Albaabka Markeey Gaartay Albaabka waxaa indhaheeda soo buuxiyey illin, waxeyna Xasuusatay iney tahay Xaas iyo Hooyoba.

Dib ayey u Noqotay weyna u Garaacday Taleefankiisii, waxeyna ku tiri Ayado indhaheeda Ilintu ay ka Tisleedahay:- Waan ka Xumahay Weli ma ihi Gacalisadaada oo waxaan Noqday Xaas Heysata Caruur.

Waxey isa saartay Telephone-kii

Kor ayey ka soo Eegtay iyada oo Saaran Balakoonka Gurigeeda, waxeyna Arkeysay isaga oo Meel fadhiya oo ilimeynaaya Isla markaasna iska Masaxaya illinta.

FIIRO GAAR AH.

Fadlan ilaasho oo Wakhti la qaado Qofka ku jecel inta aanad Qoomameyn Xilli ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen.
(ilaahoow Qiimaha jaceylka na Fahamsii).

W/Q:- Macoow Ustaad

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments