Isku aadka afar dhammaadka Champions League oo la sameeyay

Nyon (SK)-Waxaa goordhow la sameeyay qori-tuurka wareegka afar dhammadka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Kooxda  Liverpool la kulmeysa Roma cayaarta Semi-finaalka koobka kooxaha Yurub.

Naadiga Reds, waxa ay cagta marisay kooxda hoggaanka u heysa horyaalka Ingiriiska Manchester City oo isugu celceli ku dharbaaxday 5-1 wareegi quarter finals-ka.

Kooxda horyaalka Germalka Bayern Munich, ayaa wajaheysa kooxda 11-jeer ku guuleysatay horyaalka Yurub ee Real Madrid kuwaasoo horrey u reebay kooxda Juventus wareega sideed dhammaadka.

Cayaarta Fiinaalka ayaa lagu cayaari doonaa magaalada Kyiv ee caasimadda Ukrain

Halkan ka eeg sida ay u cayaarayaan afarta kooxda labada lug ee koobka 

Tallaado 24 April (19:45 BST) – Liverpool vs Roma

Arabaco 25 April (19:45 BST) – Bayern Munich vs Real Madrid

Talaado 1 May (19:45 BST) – Real Madrid vs Bayern Munich

Arbaco  2 May (19:45 BST) – Roma vs Liverpool

Dhinaca kale waxaa lagu dhawaaqay isku aadka afar dhammaadka koobka kale ee Europa League

Khamiis , 26 April (20:05 BST) – Arsenal v Atletico Madrid, Marseille v Red Bull Salzburg

Khamiis, 3 May (20:05 BST) – Atletico Madrid v Arsenal, Red Bull Salzburg v Marseille

SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments