Isbitaalka Kenyatta: Dhakhtar madaxa ka qalay bukaan ahayn kii la rabay!!

0

Nairobi (SK)- Wargeysyada dalka Kenya, waxa ay maanta oo Jimco aad uga hadlayaan qaliin ka dhacay isbitaalka weyn ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dhakhatar ayaa qaliin ku sameeyay bukaan aan ahayn kuu la rabay in la qalo weliba waa qaliin xagga madaxa ah.

Sida ay lee yihiin wargeysyada Daily Nation iyo The Stander oo labadaba ka soo baxa Kenya, bukaan ayaa yimid isbitaalka Kenyatta si loogu sameeyo daween yer maadama uu dhib ka sheeganayey barar xagga madaxa, isla isbitaalka waxaa ku sugnaa bukaan u baahan in laga qalo buro madaxa uga taalla.

Dhakhtarkii ayaa u yeeray qofkii u baahnaa daweenta yer dabadeedna madaxa ayuu ka qalay isagoo u heesta in uu yahay qofkii bukaanka ee la rabay in la qalo.

Qof bukaan ah ayaa u baahnaa in madaxa lagaga sameeyo qaliin si looga saaro xinjir dhiig guntantay, halka qof kale oo bukaan ah uu u baahnaa daweyn yar maadaamaa uu madaxa ka bararsanaa sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa, Waxaa dhacday in dhaqtarkii uu qalay bukaankii daweynta yar u baahnaa, halkii uu qali lahaa qofkii xinjirta ay guntantay..

Qaliinkan ayaa noqday mid aad looga hadlo baraha bulshada gaar ahaan Twitterka.

Haddaba, maamulka isbitaalka ayaa shaqada ka eryey dhakhatarka qaliinka sameeyay maadama uu madaxa ka qalay qof aan ahayn kii qaliinka u baahnaa.

Wargeyska Daily Nation, waxa uu sheegay in tan iyo Arbacadii uu baarayey sida uu u dhacay kiiskan iyo in lala socodsiiyey bukaanka dhibka soo gaaray ehelkiisa qaliinka khaldan ee lagu sameeyay balse waxa ay qariyeen xogta bukaanka maadama aan fasax laga heeesan.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com