Internet, Faa’iido dhibaatadu ku ladhan tahay!!!

Intii u dhaxeysay 2000 illaa 2009-kii, adeegsadayaasha Internet-ka waxa ay sara u kaceen afar jibbaar, oo markii hore wuxuu ahaa 394 Milyan, wuxuuna gaaray 1.858 milyaar (Bilyan); 2010-kii, 22%kiiba dadka ku nool caalamka ayaa isticmaalayay Internet, oo waxa ay heysteen kombiyuutar ama aalad kale oo u sahleysay isticmaalka Internet-ka.

Hal Bilyan oo jeer ayaa maalin kasta Google xog laga baaraa, 300 Milyan oo isticmaalayaal ah ayaa akhrista websiteyada kala duwan ee ka diiwaan gashay dagalkaas, 2bilyan oo jeer ayaa You Tube maalin kasta muuqaal laga daawadaa; 2014-kii, isticmaalayaasha Internet-ka waxa ay sara u keceen 3 Bilyan, ama si kale haddii aan u dhigno wuxuu gaaray 43.6%kiiba dadka dunida ku nool, nasiib darro se 78%kiiba waxa ay kasoo galaan waddamada hodanka ah.

42%-kiiba dadka isticmaala Internet ka waxa ay ku nool yihiin qaaradda qaadka wayn ee `Aasiya, 24%kiiba waxa ay kasoo galaan degelka net-ka qaaradda Europe, Wuqooyiga Amerika waxaa kasoo gala 14%-kiiba, 10%, iyagana waxa ay kasoo galaan qaaradda Koonfurta Amerika lagu daray waddamada Caribbean-ka, 6%-kiiba oo aan in badan oo naga mid ah ay ku jiraanna waxa ay kasoo galaan qaaradda Afrika, 3%kiiba waxa ay ka kasoo isticmaalaan Bariga dhexe, halka 1%-kiiba isticmaalayaasha Internet ka ay kasoo galaan Australia iyo Jasiirradaha.

Afka Ingiriiska oo ah kan ugu badan ee lagu isticmaalo Internet-ka marka laga soo tago, dadka isticmaala Mareegaha WWW. Luuqadda kale ay isticmaalaan waa tan Shiinaha oo, oo Netka waxaa ku isticmaala 25%, Spanish (8%), Japanese (5%), Portuguese and German (4% each), Arabic, French and Russian (3% mid kasta oo kamid), iyo Korean (2%); Soomaali mooji.

Mareykan ka, oo 81%-kiiba dadka Mareykan ka waxa ay Online ka yihiin Internet-ka, 73% waxa ay ka daalacdaan wararkii ugu dambeyay dunida daafaheeda, 52% wararka ciyaaraha, halka 41% ay ka akhristaan oo ay kala socdaan madaddaallo iyo arrimaha dadka caanka ah (Celebrity).

Xarrunta cilmi barista ee Pew oo fadhigeedu yahay Washitoon, ayaa cilmi baaris qota dheer ku sameysay arrimaha internet-ka, waxaana ay sheegeen in qof kasta oo Internet isticmaala uu leeyahay ugu yaraan laba illaa saddex cinwaan oo saddex aalad kala duwan ah; inta badan dadka waxa ay isku isticmaalaan, Facebook, Twitter iyo Instagram, halka dadka qaarna aysan sidaas ahayn.

Tirada ugu badan ee dadka isticmaala baraha bulshada da’ ahaan waxa ay ka yar yihiin 50-sano; taas oo caqabad ku ah shaqadooda iyo waxbarashadooda.

Sannadkii 2012-kii, dalalka Iceland, Norway, Sweden, Netherlands iyo Denmark ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay ee isticmaalka baraha bulshada, oo 93%kiiba dadkooda ayaa helay fursad ay ku isticmaalaan internet-ka, taas oo xitaa dowladahaas halis geliyay.

Hashtag (###) ugu badan ee Mareykan ka laga isticmaalay waxa uu ahaa #governmentshutdown, sidoo kale gu’gii Carabta waan ka war qabnaa wixii dhacay, iyo sida ay wax isku baddaleen iyadoo la isticmaalayay # Hashtag, looga soo horjeeday dowladihii xilligaas ka talinayay waddamadii isbaddalka ka dhacay.

Haddaba waxaa la sii saadaalinayaa in tiro badan oo dadka caalamka ay si waalli ah u isticmaali doonaan sabannada soo aaddan Internet, fursado ganacsi, mid aragtiyadeed ayaa lagu faafistaa, ha yeeshee Soomaalida maxay kaga faa’iideysataa? Waa su’aasha aan doonayno in aan iswayddiino, si aan aan u helno waxa aan uga baahannahay Netka.

W/Q: Cabdiwahaab Axmed Cali

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments