Inter Milan oo diyaar la ah in ay la soo wareegto Bale

Madrid (SK)-Wargeysyada dalka Talyaaniga ayaa qoray in kooxda Inter ay isku diyaarisay sidii ay ula soo wareegi lahayd xiddiga reer Wales ee weerarka uga cayaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale.
Weeraryahankii horre ee naadiga Tottenham Hotspur ayaa keydka ku jiray badi kulamadii ay cayaareysay kooxda Spain Los Blancos xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inuu mugdi galo mustaqbalka xiddigan.
Inter ayaa hadda diyaar u ah in ay la soo wareegto Bele oo ay keento horyaalka Serie A waa haddii ay Real ay iska fasaxeyso.
Wargeyska The Independent ee Ingiiska ka soo baxa ayaa isna leh Bale waxaa laga yaabaa in uu ku soo laabto dalka Ingiriiska maadama la xiriirinayo Manchester United, laakiin wargeyska ayaa leh Red Devils hadda baahi badan uma qabto la soo wareegitaanka 28-kan.
Ka tagigaanka Bale ee Real ayaa soo baxay kaddib markii ay is qabteen isaga iyo macallinka kooxda Zinedine Zidane oo ka carooday guul darradii toddobaadkii horre Real Madrid ka soo gaartay Juventus oo looga badiyey 3-1 lugta labaad ee wareega sideed dhammaadka koobka kooxaha qaaradda Yurub Champions League.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments