Ingiriiska iyo Croatia oo u soo baxay afar dhammaadka koobka adduunka

0
Xulka Ingiriiska oo ka badiyay Sweden

Moscow (SK)- Xulka England ayaa marki ugu horreeysay tan iyo sannadki 1990-ki gaaray semi-finalka Koobka Aduunka kadib marki ay galabta 2-0 uga badiyeen Sweden.

Labada gool waxaa Ingiriiska madaxa ugu dhaliyay ciyaartooyda kala ah Harry Maguire iyo Dele Alli kuwaasoo ka farxiyay taageerayaasha England gaar ahaan kuwi ku jiray garoonka Samara.

Maguire ayaa daah-furay goolka koowaad daqiiqadii 30-aad ee qeybti hore ee ciyaarta, halka Alli uu labeeyay waxyar kadib marki ay dib u billaabatay ciyaarta qeybteedii labaad.

Dhalinyarada macallin Gareth Southgate waxay hadda sugayaan mid ka mid ah xulalka Russia iyo Croatia oo ciyaartooda ay billaaban doono wax ka yar laba saacadood.

Ingiriiska hal jeer ayuu waligiis qaaday Koobka Aduunka, waxana ay aheyd sannadki 1966-ki markaas oo uu isagu marti geliyay ciyaaraha.

Dhinaca kale, Xulka dalka Croatia ayaa u soo gudbay Semifinalaha koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka soconaya, kadib markii ay ka adkaadeen waddankii marti galinayay tartankan.

Croatia oo Semifinal u soo gudubtay

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii loogu tala galay ay ku dhammaatay 1-1, balse 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ayay labada dhinac haddana min gool iska dhaliyeen.

Rigoorooyin ayay Croatia kaga soo gudbeen Ruushka, oo 4-3 aheyd.

Croatia oo muddo labaatan sano kadib, semifinalaha timid, ayaa waxay la ciyaari doontaa Isbuuca soo socda xulka dalka Ingriiska, halka Biljamka iyo Faransiiskuna ay sidoo kale ballansan yihiin.

ISHA: VOA