Hooyo canugeeda dhabta ku haysata oo Imtixaan Jaamacadeed u fadhiisatay (Sawirro)

Kabul (SK)- Waxaa baraha bulshada ee dhinaca Internet-ka ku faafay sawirka hooyo beeraleey ah oo u dhalatay waddanka Afghanistan oo lagu magacaabo Jahantab Ahmadi taas oo dhulka fadhisay iyadoo dhabta ku haysa gabadheeda yar isla markaana ka shaqeynaysay waraaqaha imtixaan..

jaamacadeed. Sawirkan aadka u mugga weyn waxaa qaaday macallin Yahya Erfan oo wax ka dhiga Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Nasir Khusraw ee ku taalla bartamaha Afghanistan, halkaas oo ay haweeneydani kaga qayb galaysay imtixaanka aqbalaadda. Durbadiiba waxaa sawirkan qiimaha leh ee Jahantab oo ah hooyo 25 jir ah oo 3 carruur ah haysata uu ku faafay Internet-ka iyadoo la ogsoon yahay in dumarka Afghanistan ay yihiin kuwo tacliintu ku yar tahay oo aan qiimo weyn ku dhex lahayn bulshadooda.

Jahantab waxay jeceshahay in ay barato cilmiga bulshada si ay u caawiso dadkeeda reer Afghanistan, riyadeedana uga rumoowdo. Ururka dhallinyarada Afghanistan ayaa iyagoo isku dayaya in ay caawiyaan haweeneydan dadaalasa waxa ay boga tabarucaada lagu aruuriyo ee GoFundMe kaga fureen qaanad ay ku dalbanayaan in al soo caawiyo si ay waxbarashadeeda uga gun gaarto, waxaana illaa iyo haatan loo aruuriyay lacag gaaraysa14,000 dollar.

Hooyadan ayaa markii hore kursi ku fadhisay xilligii ay imtixaanka tijaabada jaamacadeed galaysay balse ilmeheeda yar oo aad u ooynayay isla markaana goobtu meel imtixaan ahayd ayay ka cabsatay in ay ardaydu dhibsadaan, waxaana ay fariisatay halka ugu dambeysa fasalka meel ka dambeysay kursiga gabadhii ugu dambeysay, waana markaasi marka sawirradan laga qaaday.

W/D Yaxye Yuusuf Khasaaro

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments