Hooyadii lagu eedeeyay Tuuganimo

0

Maxkamad ku taalla Magaalada Jakaarta ee Dalka Indonesia ayaa Sannad kahor waxaa lasoo taagay Maamada ama Hooyada ka muuqata sawirka Hoose iyadoo Gacma-xiran oo lagusoo oogay Fal Xatooyo ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay Xoogaa Baradho ah ka xaday Goob Ganacsi Maadaama ay Baahneyd aysanna heysan Lacag ay ku iibsato. Ninkii Ganacsiga lahaana wuxuu ku adkeystay in Sharciga la marsiiyo si ay Cibro ugu noqato qof kasta oo ku fikira inuu Baqaarkiisa wax ka xado.

Qaadiga Maxkamadda oo Xukunkeeda ka hor aqrinayay Boqolaal qof ayaa isagoo ilmeynaya ku yiri: Hooyo iga raali ahoow, Dadku way simanyihin, cidna kama sareeyso Sharciga, waana ka xumanahay in Maanta lagusooo taagay Maxkamad aan Qaadi ka ahay. Hooyo Maxkamaddu waxay kugu riday Labo Sano iyo Bar oo Xarig ah iyo 73-Dollar oo Ganaax ah oo nooga degan falalka xatooyada ah.

Dabeedna Madixiisa ayuu Koofiyad kasoo siibay, wuxuuna ku riday 73-Dollar. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri: Sidoo kale Maxkamaddu waxay xukuntay in qof kasta oo meesha jooga bixiyo 4-Dollar. Oo sideey Hooyo da’daan ah ugu gaajoon kartaa Magaalo Hodan ah oo aad joogtaan?

Wallaahi haddan awoodi karo waxaan dadka Magaalada Jakaarta degan oo dhan dul-dhigi lahaa Ganaax Lacageed maadaama ay Hooyadaan Duqda ah Gaajo heysa aawaded ku fikirtay inay wax xaddo.

Hadalku Qaaligu wuxuu isoo xusuusiyay Maqaal uu Cilmi-Baare la yiraahdo Cabdulbaasid Sh. Ibrahim ku qoray Blog-ga Tilifishinka Aljazeera uuna uga hadlayay sida loo Cirib-tiri karo Tuugsiga kuna lahaa “Haddii Ganacsatada Magaalada Muqdisho ku nool ay Hantidooda ka bixin lahaayeen Zakada ku Waajibtay, Wadooyinka Muqdisho luguma arkeen Maamo Tuugsaneysa iyo Miskiin Masaajidda ka istaagaya”. Fiicnan laheydaa haddii la yeeli lahaa.

Muqdisho kaliya maahee, Magaalo kasta waxaa ku nool Danyar nuucaan ah oo aanan heli karin Quutul-Yoowmkooda, Qaarkood wuxuu Faqrigu baday inay dadka kale Dawarsadaan, halka qaarkoodna ay ka dhowrsanayaan Tuugsiga aadna Wajiyadooda ka garan karto inay yihiin dadka ugu mudan in la caawiyo.

Walaal waa Masaakiin Kaalmadaada u baahan ee ku caawi waxaad u heli karto, haddadan wax u heyn ku Sadaqeyso Hadal Macaan iyo Waji-furan uguna ducee inuu Alle ka qaado Faqriga uu ku imtixaanay.

W/Q:  Hussain Sabrie