Hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya oo soo afjaray colaaddii u dhexeysay

0
Hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya oo soo afjaray colaaddii xadka

Addis Ababa (SK)-Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku dhawaaqay in ay soo afjareen dagaalkii labada dal u dhexeeyey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa maanta Asmara ku kala saxiixday heshiis wadajir ah oo lagu soo gabagabeenayo coladdii labada dal.

Labada dal ayaa 20 sanno colaad ahaa, kaddib markii ay ku dagallameen xuduudaha, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed Cali ayaa dhammeestay safar labo maalin qaatay oo uu ku joogay Asmara, waxaana lagu wadaa Addis Ababa in uu la kulmo xoghayaha guud ee QM isagoo uga warrami doona isbeddelada cajiibka ee dhex maray labada dal.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa faafaahin ka bixiyay heshiiskii sida wadajir ah ay u kala saxiixdeen labada hoggaamiye.

Wuxuu sheegay in heshiiska ay ku xusan yihiin qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin iskaashi dhanka gaadidka, ganacsiga iyo xiriirka dublumaasi.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka sidoo kale ku sheegay in heshiiska lagu soo afjari doono colaadda xadka, ka shaqaynta nabadda iyo horumarka gobolka.


_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com