Haweeney loo diiday Cunada & Biyaha oo Malaa’ikta Quudisay

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran dagalka Soomaalikabe, waxaa u soo gudbineynaa sheekadan oo ka warrameysa Haweenay Saxaabiyad ah oo Magaceeda la yiraaho Umu Shariik, waxa Qalbigeeda ku dhacay Islaamnimada iyadoo joogta Magaalada Makkah, ka dibna waxey bilowday in Dumarka Reer Makkah ay ugu yeerto Diinta Islaamka, markaas Haween badan ayaa Gacanteeda ku soo islaamay ilaa iyo Arrinkeedii uu soo Ifbaxay.

Dabadeedna Reer Makkah ayaa qabtay, waxeyna ku yiraaheen: haddii aanan kugu ixtiraameyn Qabiilkaaga waan ku Dili laheyn, balse ayaga ayaan kuu geyneynaa.

Waxay tiri Umu Shariik: waxay igu qaadeen Hal aan Heeryeysneyn, waxeyna i gaajaysiiyeen muddo dhan Saddex Cisho ah, ayagoon Biyo iyo Cunto toona aan i siinin. kolka ay Nastaan waxay ku Harsan jireen meel Dhir ka baxday, Halka anigana inta lay xirxiro ley Fadhiisan jiray Bacaadka ama Qorraxda. Maalintii dambe anigoo Xirxiran ayaa waxa igu dhibcay Biyo, markaasaan xagga Sare Eegay, mise waa Wadaan Biyo ku jiraan, waxa Waadaantii la ii saaray Afka, kolkaas baan Cabay Biyo ka qabow Barafka, kana Macaan Malabka, hadana Sare ayaa Wadaantii loo qaaday, hadana mar kale ayaa Biyihii la i Cabsiiyey, markaan dhergay ayaa Biyihii lagu Shubay jirkayga. iii

Qolyihii i waday markey soo kaceen ayey arkeen Qoyaanka Maryahayga, waxayna yiraahdeen: Haa, inta aad iska Furtay Xarkaha ayaad soo Cabtay Biyaheena oo aadna isku Qoysay, markaasay Umu Shariik tiri: Maya, ee sidaas iyo sidaas ayaa dhacday.

Dabadeedna nimankii waxay isku sii daayeen xaggii Weelkooda ay Biyaha ku wateen mise Biyihii waa sidii ay kaga tageen. Markaasey Nimankii waxey dhaheen:- Umu Shariikaay haddii Rabigaadu kugu Waraabiyey halkaas aad joogto, markaa Diintaada ayaa ka fiican Diinteena.

Nimankii sidaas ayeyna ku Islaameen, waxeya u Hijroodeen Magaalada Madiina, ka dibna Umu Shariik waxey Nafteeda u Hibeysa Nabi Muxamad CSW.

W/Q:- Macoow Ustaad.

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments