Hakinta hawlgalka Tukaraq ee madaxweyne Gaas, iyo damaca muddo kororsiga

0

Shacabka Puntland oo si weyn uga dhiidhiyey duulaankii Somaliland ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyo hanjabaadii ka timid Maamulka Muuse Biixi ayaa su’ aalo badan iska weydiinaya hakadka ku yimid dhaq dhaqaaqii Puntland dooneysay inay ku xoreyso dhulka horey loo qabsaday gaar ahaan gobalka Sool.

Tan iyo 8dii bishii Janaayo ee sanadkan oo ku beegnayd xiligii ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii Puntland xili shacabka Puntland ku mashquulsanaayeen soodhaweyntii wafdigii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa socday dhaq dhaqaaq ciidan oo ay xoogiisa wadeen beelaha ku dhaqan gobalada Puntland oo iskood isu abaabulayey, kuwaasi oo ciidamo badan geeyey gobalka Sool iyo waliba xoolo ay ugu deeqeen ciidamada Puntland.

Dadaalkaasi ka yimid beelaha Puntland ayaa ahaa kii sababay in isbedal ku yimaado dhawaaqii kasoo baxayey Maamulka Muuse Biixi oo horey ugu hanjabad in ay tagi doonaan caasimada Puntland iyo Garowe.

Xukuumada Puntland oo iyadu ku dhawaaqday in dagaal ay u geli doonto xoreynta gobalka Sool ayaa baaqyo kala duwan u dirtay shacabka Puntland inay garab istaagaan ciidamada difaaca, baaqyadaasi oo ay shacabka si mugleh uga jawaabeen, iyagoo ku deeqay hub, ciidan, saanad iyo xoolo.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaalooyinka ay ciidamada Somaliland qabsadeen sida Laascaanood ayaa ka jawaabay baaqyadii kasoo baxay xukuumada Puntland, iyagoo dhigay banaanbaxyo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo looga soo horjeedo Somaliland kuwaasi oo ka dhacay xarunta gobalka Sool, ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay tiro badan oo dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaa iyaguna jiray weeraro hubeysan oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood oo ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda magaalada oo taageersan dhaq dhaqaaqa Somaliland looga saarayo gobalkaasi.

Hadaba xiligan ayey shacabka Puntland su’ aalo badan iska weydiinayaan dib u dhaca ay keentay xukuumada Puntland oo ay hogaamiyaan Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Kuxigeenkiisa Eng.Cabdixakiim Camey oo xiligan u muuqda inay ka gaabsadeen duulaan xiligan lagu qaado fariisimaha Somaliland ka sameysatay deegaanka Tukaraq oo wax ka yar 80km u jirta caasimada Puntland ee Garowe.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in arrintan ay la xariirto culeyska Beesha Caalamka ay ku saartay dowlada Puntland in la joojiyo dagaalka gobalka Sool, balse waxaa iyaguna jira warar isa soo taraya iyo tuhumo la xariira in xukuumada Madaxweyne Gaas sida ay daacad uga tahay qorshahii xoreynta Sool, arrimahan oo ay shacabka Puntland billabeen inay si weyn ugu falanqeeyaan baraha Bulshada ku sheekaysato.

Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Puntland oo la doortey shan sano ka hor yaa lagu doortey barnaamij siyaasadeed oo uu wax ka qabanayo Amniga, hagaajinta dhaqaalaha, dhismaha ciidanka, daryeelka arrimaha bulshada, la dagaalanka Musuqmaasuqa,hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan iyo midnmada Puntland ee dib u soo celinta magaalooyinka xukuumadihii hore lagala wareegay ee ka tirsan Puntland. Haddaba iyada oo la marayo malamihii u danbeeyey ee xilka loo dhaariyey ayaa la is weydiinayaa waxa ka hirgalay ballan qaadkiisi iyo dhartii uu shacabka u qaadey, sida Dhaqaalaha Puntland heerka uu maanta taagan yahay, Amniga, dhismaha ciidanka, la dagaalanka Musuqa, so celinta deegaanada maqan iyo hirgelinta nidaamka Dimoqraadiyadda.

Horseed Media oo xiriir kala duwan la sameysey saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga Tukaraq oo waxna ka weydiisey dareenka shacabku ka qabaan hakinta hawlgalka ayaa waxay sheegeen in xukuumadda baaqeedi si weyn looga jawaabey, loona diyaar garoobey in Sool laga xoreeyo Somaliland, laakiin aysan ka soo dhamaan Madaxtooyada Garoowe, iyagoo ka gaabsaday inay ka hadlaan in arrintan la xariirto arrimo siyaasadeed iyo dano kale.

Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas markii horeba aanu dagaalka diyaar u ahayn, taas oo ay tusaale u tahay qaabka dagaalku ku bilowdey 15 May 2018, isaga oo ku maqan magaalada Baydhabo.

Gaas ayaa docda kale ku argagaxay cududa militari iyo hubka ay ku jiraan gaadiidka dagaalka ee badan oo ay keeneen beelaha Puntland kuwaasi oo hadda noqday ciidamo ka baaxad iyo cudud badan ciidamadii ay dowlada Puntland geysay Tukaraq, isla markaana u arkeen xubnaha Xukuumada talada heysa in hawlgalkan uu waji kale yeelan karo hadii qaabkan lagu dagaal galo iyo cidda hantiyi doonta guusha xoreynta Sool oo hubaal ah inay saameyn weyn ku yeelan doonto Doorashada 2019.

Waxaana la rumeysan yahay in dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka madax banaan xukuumada talada heysa ay sidoo kale caqabad iyo jidgooyo ku noqotay qorshe la hadal hayey oo ahayd in xukuumada Gaas iyo Camey codsadaan muddo kordhin ku aadan xaalada dagaal ee lagu jiro.

Mucaaridka damacsan inay u tartamaan doorashada 2019 ayaa sidoo kale ku lug yeeshay abaabulka ciidan ee socday isla markaana ka qeyb qaatay ololaha ay wadaan beelaha ciidamada ku deeqay, middaasi oo cabsi dheeraad ah ku abuurtay hogaanka sare ee dowlada Puntland.

Xogta Muddo kororsiga ee Madaxweyne Gaas oo si weyn isu soo taraysa inkasta oo isagu aanu ku dhawaaqin ayaa keeni karta cawaaqib xumo ku habsata Puntland, marka la eego ciidamo beeledyada aadka u tirada badan ee Dowladdu durbaanka u tuntey, marka la eego xiisadahii ka dhashay isku dayayadii muddo kororsiga ahayd oo ay damceen xukuumadihii ka horeeyey tan hada joogta iyo waxybaaihii ka dhashey ayaa la oran karaa maanta ayeyba ka sii khatar badan tahay, marka la eego dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

LASACO QAYBTA LABAAD EE MAQAALKAN

W/Q: Hussein Farah
farah@horseedmedia.net


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin