Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo lagu xiray Dhuusamarreeb

0

Dhuusamarreeb (SK)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yarey) lagu xiray magaalada Dhuusamarreeb isla markaanna laga qaaday qalab ay wateen.

Weriyayaal ku sugan magaalada ayaa u sheegay Soomaalikabe, in Xaliimo Yareey iyo xubno la socda laga dhigay xabsi guri ah loona sheegay in aysan dhaqdhaqaaq sameen karin.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna ay xabsi ku soo rogeen guddoomiyaha iyo xubnaha la socda.

Si dhab ah looma oga sababta loo xiray guddoomiyaha iyo xubnaha la socda oo maalmahan safarro ku tagayey magaalooyin ku yaalla dalka iyagoo waday dedaalo ku aadan sidii doorasho qof iyo cod ay uga dhici lahayd Soomaaliya sannadka 2020.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan xubno ka tirsan maamulka Galmudug kuwaasoo horrey u ahaa Ahlu Sunna balse heshiis ay la galeen Galmudug ayaa lagu midoobay maamulka Galmudug.

Magaalada waxaa ka socda diyaargarow ku aadan sidii maamulka Galmudug uu si rasmi ah ugu soo guuri lahaa isla markaanna loo dhammeestiri lahaa heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan xarriga guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaliya Xaliimo Yarey iyo xubna lasocday.

Wixii warar ah ee ku soo kordha warkan kala soco Soomaalikabe.